Siyaabaha Lagu Kala Saaro Ninka Wanaagsan Iyo Kan Xun

Marka ay noqoto inaad kala barato ragga xun iyo kuwa wanaagsan, ma ahan wax dad badan ay sixi karaan.

Si ay kuugu fududaato garashada ninka wanaagsan, waxaa jiraan waxyaabo ay tahay inaad ka eegto.

Waa kuwaan qaar kamid ah waxyaabaha laga eego markaad ogaaneysid nin wanaagsan.

  1. Si dhab ah ayuu kaaga fekeraa

Runta waala sheegay, inaad hesho nin si dhab  ah kaaga fekero way adagtahay. Si kastaba, haddii ay dhacdo inaad la kulanto nin si dhab ah kaaga fekero kadib kaasi waa nin wanaagsan.

Ninka xun marna ma dhici doonto inuu ka fekero oo uu rabitaan ku tuso maadaama ay iyaga kaliya iska fekeraan.

  1. Wuxuu ogyahay markaad firaaqo u baahantahay

Nolosha, waxaa jiraan waqtiyo qofku geli karo xaalado adag taasoo ay suurtagal tahay inuu u baahdo firaaqo iyo inuu dadka dhan ka fogaado.

Marka ay noqoto ninka wanaagsan, waa mid fahmi doona xaaladdaada isla markaana ku siin doona firaaqada aad u baahantahay.

  1. Kuguma cadaadiyo inaad go’aano deg deg ah qaadato

Marka ay yimaadaan waqtiyo aad u baahantahay inaad sameyso go’aano deg deg ah, ninka wanaagsan mar kasta wuxuu ku weydiin doonaa inaad ka fiirsato kahor intaadan go’aanada sameyn balse ragga xun waa kuwa intabadan kugu cadaadinaya inaad sameyso ama aad qaadato go’aano u baahan waqti.

Related Articles

Back to top button