XIRIIRKA IYO GUURKA

Calaamadaha Lagu Garto In Saaxiibadaa Ay Ka Xunyihiin Xiriirkaaga/Guurkaaga

Saaxiibka wuxuu sidoo kale burburin karaa xiriirkaaga hal siyaabood ama mid kale adigoo aanan sawiraneyn iyadoo arrintaas la xiriirta maseyr.

Sidee ku ogaan kartaa marka saaxiibadaa aysan ku faraxsaneyn isla markaana ka xunyihiin xiriirkaaga?

Hagaag, way adkaan kartaa in la ogaado. Qaabkani waxaad ku ogaan kartaa haddii saaxiibadaa ay aad u maseyrsanyihiin xiriirka aad la leedahay wiilka ama gabadha saaxiibtaa ah.

  1. Ma rabaan inay maqlaan wax ku saabsan xiriirkaaga

Badankood waxay isku dayi doonaan inay bedelaan mowduuca markaad ka hadleyso sida aad ugu faraxsantahay iyada/isaga/ lamaanahaaga.

Qaabkani waa mid cad oo lagu ogaado inaysan ku faraxsaneyn  xiriirkaaga sababtoo ah xiriirka aad la leedahay lamaanahaaga waa mid awood badan oo koraya.

  1. Mar kasta gadaashaada ayay ka hadlaan

Saaxiibada waa kuwa ugu xun ee dadka gadaal ka qaniina ee loo baahanyahay inaad ogaato. Haddii saaxiibadaa ay bilaabaan inay six un uga hadlaan xiriiraaga taasi waa calaamad muujineysa inaysan ku faraxsaneyn.

Si fudud ayaad ku ogaan kartaa taas marka ay sameynayaan hadallo sharad dil ah adigoo eegaya  sida ay uga fal celiyaan.

Weydii haddii ay ku faraxsanyihiin xiriirkaaga. Haddii ay iska ilaaliyaan su’aashaas waxay u badantahay inay ku xamanayeen.

  1. Way iska kaa indhatiraan iyagoo sidoo kale kaa fogaada

In la iska kaa indhatiro waxaa ku qarsan waxyaabo badan. Tusaale ahaan, waxay doora karaan inay iska ilaaliyaan farriimo ay kuusoo diraan muddo dheer.

Sidoo kale saaxiibadaa waxay joojin karaa inay kula baashaalaan ama waqti kula sidii sidii hore ay waqti kuula qaadan jireen oo kale.

Related Articles

Back to top button