XIRIIRKA IYO GUURKA

3 Sababood Oo Keena In Ninka Khaali Uu Iskaga Kaa Dhigo

Marka laga hadlayo sababta ay dadka qaali iskaga dhigaan ama ay iskaga dhigaan dad ay adagtahay in la helo; tani ma ahan mid haweenka kaliya ay sameeyaan balse ragga ayaa sidoo kale sameeya.

Ragga inay isqaaliyeeyaan waxaa keenta sababo badan. Waa kuwaan qaar kamid ah sababaha ragga qaarkood ay adeeg uga dhigaan in la helo.

  1. Wuu xishood badanyahay

Ragga xishoodka badan in lasoo dhoweysto, hadaba waxay u muuqdaan kuwo ay dagtahay in la helo.

Ninka way adkaan kartaa inaad hesho maadaama uu aad uga xishoodo haweenka maadaama uusan garaneyn sida haweenka loogu soo dhawaado.

  1. Qof kale ayuu heystaa

Haddii ay dhacdo in ninka aad rabitaan tusto balse uu iska dhigo qof ay adagtahay in la helo ama qaali iska dhigo kadib ogoow inuu qof kale meel ku ogyahay.

Inuu qof kale xiriir la lahaado ayaa noqon karta sababta ugu weyn ee uu qaali iskaga kaa dhigayo maadaama uusan kuu sheegeyn inuu haweeney kale uu heysto.

  1. Saaxiibadiis Ayaan ku jecleyn

Qaab kale, nin qaali ayaa isku dhigi karaa maadaama ay saaxiibadiis aysan ku jecleyn. Isagoo eegaya saaxiibadiis neceybka ay kuu qabaan ama inaysan kaa helin ayaa sababeysa inuu iska ilaaliyo inuu aqbalo ama xiriir kula yeesho.

Related Articles

Back to top button