XIRIIRKA IYO GUURKA

Haddii Aad Saaxiibo Noocaan Ah Leedahay Fadlan Hadda Xiriirka U Jar (Iska Ilaali)

Saaxiibada waxay kamidyihiin dadka ugu nolosha qof kasta. Saaxiibada waa kuwo ku dhisi kara ama ku burburin kara.

Markay timaado inaad naftaada ka bad baadiso saaxiibadaa waa inaad ka taxadartaa kan kugu daneysanaya.

Saaxiibada waa kuwo siyaabo kala duwan kuu isticmaali kara; qaar waxay kuu istcmaali karaan lacag, galmo iyo waxyaabo kale .

Akhriso calaamadaha lagu garto in saaxiib kugu daneysanayo.

  1. Waxay ka hadlaan gaadaashaa

Saaxiibada wanaagsan waa kuwo mar kasta ku garab istaaga oo dhabarkaaga taagan laakiin maahan kuwa gaashaada ka hadla.

Marka ay xaaladda gaarto in saaxiibadaa ay gaashaada ka hadlaan balse ay iska dhigaan kuwo ku dhinac taagan markaad la joogto kadib waa daneysteyaal.

  1. Saaxiibka aad dareento inuu lacag ama wax kale kugu rabo

Saaxiibka wanaagsan waa kan aad dareento in ujeedadiisa aysan ahayn lacag ama wax kale.

Haddii saaxiibadaa ay yihiin nooca isaga/iyada ku weydiiya lacag hadda iyo mar kasta kadib ogoow inuu ku isticmaalayo.

  1. Iskuma halleyn kartid

Saaxiibada waa inay noqdaan kuwo mar kasta oo aad u baahantahay aad isku halleyn karto. Si kastaba, haddii aadan isku halleeyn Karin isla markaana wali ay caawin kuusoo doontaan adigoo dhib ku heysto kadib ogoow inay kugu daneysanayaan.

Related Articles

Back to top button