XIRIIRKA IYO GUURKA

Farriimo Jacayl Oo Loo Diro Xaaskaaga (Jacaylku Ha Nuuro)

1. Ii ogolow inaan noqdo sababta ka dambeysa farxaddaada, nabaddaada. Waxaan rabaa inaan kuu jeclaado si aanan qof waligii loo jeclaan sababtoo waxaad heysaa furaha qalbigeyga. Waan qadariyaa jacaylkaaga maxaa yeelay waa kan nuuriya maalinteyda.

2. Laga soo bilaabo markaan kula kulmay waxaad hanatay qalbigeyga oo aad siisay daryeel iyo jacayl. Mugdi Ayaan ku jiray illaa aan adiga kaala kulmay.

Waxan caddeyn karaa in nolosheyda ay noqotay mid iftiimeysa, waxaa tahay xaaska ugu wanaagsan ee nin waligii rajeyn doono inuu nolosha ku helo.

3. Waxaa tahay jacaylkeyga iyo nolosheyda. Waxaan doonayaa inaan kula joogo illaa adduunyadu ka dhammaaneyso maadaama ilbiriqsi kasta oo aan kula qaato uu yahay dahab.

Jacaylku waa qurux sababtoo ah adiga dartaa. Guurku waa macaan sababtoo ah adigaan ku guursaday, waxaa tahay farxad aan waligeey ka mahcelin doono.

4. Waqti kasta oo aan ku eego waxaa jirta sabab aan ugu mahadnaqo ilaahay (SWT) maadaama aan isguursanay.

Waxaad nuurisay nolosheyda, waxaa tahay xaaska ugu wanaagsan, si buuxda kuuguma mahadnaqi karo maadaama aad tahay wixii ugu wanaagsanaa ee aan nolosha ku helo.

5. Farxaddu waa inaan subax walba kasoo tooso dhinacaaga. Waanku jeclahay sababtoo ah waad I dhammeystirtay. Waxaa tahay feer iga maqan. Shaki kama qabo inaan ahay ninka ragga ugu nasiibka badan. Waanku jeclahay boqoradeyda.

Related Articles

Back to top button