XIRIIRKA IYO GUURKA

Sida Ninkaaga Loogu Sheego Inuu Ku Dhaawacay

Xiriirka, lamaanayaasha ma ahan kuwo mar kasta faraxsan, waxaa jiraan waqtiyo lamaanayaasha ay isdhaawacaaan.

Si kastaba, dadka qaar ayaa iska sii wada dhaawacidda lamaanahooda si aan kala joogsi lahayn. Haddii ninkaagu uu mar kasta ku dhaawaco, sheeyga ugu wanaagsan ee aad sameyneyso kahor intaadan go’aan ku gaarin inaad ka tagto ayaa ah inaad ogeysiiso inuu dhawacayo.

Markaad waxyaabahan sameyso, wuxuu dooran karaa inuu qaabka uu u dhaqmo uu bedelo ama uu diyaar u noqdo inuu ku waayo.

  1. Iska ilaali inaad eedeyso

Marka ay timaado inaad u sheegto inuu ku dhaawacayo, mid kamida waxyaabaha maskaxda lagu heysto ayaa ah inaadan waxyeeleyn kalsoonidiisa.

Hadaba waa inaad iska ilaalisaa inaad eedeyso ama aad weerarto adigoo si xushmad leh wax ugu sheegi kara.

  1. U ogoloow inaad weydiiso su’aalo isagana uu sharaxo ficilladiisa

Markaad ninka ugu tagto inaad u sheegto inuu ku dhaawacay, hubi inaad u ogolaato inaad weydiiso su’aalo ku aadan sida uu kuula dhaqmayay adigoo sidoo kale siinaya fursad uu kuugu sharaxo.

  1. Ogolow dareenkaaga adag

Aqbalidda sida dareenkaagu yahay ayaa ah mid kamid ah waxyaabaha ugu adag ee la sameeyo. Si kastaba, waxaad u baahan doontaa inaad aqbasho oo aad ogolaato dareenkaaga marka hore si aad si wanaagsan ula xiriirto ama ugu gudbiso xaaladdaada.

Related Articles

Back to top button