UGAAR AH RAGA: 4 Qalad Ka Ilaali Xaaskaaga Iyo Guurkaaga Si Uusan U Burburin - Aayaha

UGAAR AH RAGA: 4 Qalad Ka Ilaali Xaaskaaga Iyo Guurkaaga Si Uusan U Burburin

Raga qaladaad way sameeyaan oo waa bini aadam qof kastana qaladaad wuu sameeyaa balse waxaa jiraan qaar kamid ah qaladaadkaas oo ay tahay in ragga ay iska ilaaliyaan.

Qaladaadkan waa kuwo dhaawici kara xiriirka aad la leedahay lamaanahaaga, ayagoo sidoo kale guurkiina aadka u wanaagsan u bedeli kara qaraar.

Waa kuwaan qaar kamid ah qaldaadka ay ragga badankood ku sameeyaan Haweenkooda.

  1. Isku dayid la’aan inaad fahamto

Haweeney kasta waxay rabtaa in la fahmo, xiriirkana wuxuu aad u wanaagsanyahay marka gabadha la fahmo balse rag badan ayaanan dadaal ku bixin inay fahmaan haweenkooda; xittaa kuwo badan oo ragga kamid ah ma yaqaanaan faa’idada ay leedahay waana qalad xun oo ay sameeyaan.

  1. Inaadan dhageysan

Marka gabadhaada aad si wanaagsan u dhageysato waa markaad si wanaagsan u fahmeyso iyo waxay ka rabto xiriirka.

Inaad dhageysato waxay sidoo kale caddeeneysaa inaad daneyneyso balse rag badan ayaa sameeyaa qaladaadka ah inaysan haweenkooda dhageysan.

  1. Kalgacayl la’aan

In xaaskaaga aad kalgacayl u muujiso waa wadada ugu wanaagsan ee aad ku hananeyso qalbigeeda.

Markaad kalgacayl u muujiso qalbigeeda wuxuu dareemayaa in la jecelyahay isla markaana la rabo.

Rag badan ayaa ku dooda inay jecelyihiin haweenkooda iyagoo xittaa aanan u muujin wax kalgacayl ah.

  1. Xushmad darro

Markaad aflagaadeyso waad ku xadgudubtay xaaskaaga; markaad kula qeyliso ama ku hor canaanato dad kale waa xushmad dareysay, markaadan muhiimad siinin fikradeheeda waa xushmad dareysay, markaad u gacan qaado waadku xad gudubtay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button