ARIMAHA BULSHADATEKNOLOJIYADA

FaceApp Iyo Barnaamijyada Kale Halista Ah Ee Ay Tahay Inaad Hadda Iska Tirto

Wararka shaacinaya halista ay leedahay isticmaalka FaceApp, ayaa kuwo isi soo taraya. Khubarada ayaa dadka uga digay isticmaalka barnaamijkaan maadaama uu xogahaaga u kashifi karo hackers-ka.

Marka laga soo tago barnaamijkaas, waxaa sidoo kale jiraan barnaamijyo kale oo aad u baahantahay inaad hadda iska tirtirto.

Barnaamijyadaas qaarkood ayaa si sahlan u urursan kara una soo bandhigi kara xogtaada. xaaladaha qaar waxay sidoo kale si qiyaano ah lacag ugala bixi karaan xisaabta Bankiga.

Waa kuwaan qaar kamid ah barnaamijyada aad u baahantahay inaad hadda iska tirtirto.

  1. Barnaamijka lagu magacaabo Master cleaner ama barnaamijka nadiifiya taleefanka

Waa naxdin haddii barnaamijkaan uu taleefanka kuugu jiro. Waxaa la shaaciyay in barnaamijkaan uu urursan karo xogtaada isla markaana uu la wadaagi karo dadka xogaha jabsado.

  1. Baarnaamijka Antivirus-ka oo aanan la garaneyn shirkadaha soo saaray

Qaar kamid ah barnaamijyadaan ayaa soo bandhiga xayeysiimo taasoo dadka isticmaala ku jiheysa ilo halis ah oo ah meel dadka wax jabsada ay ka heli karaan feeylasha muhiimka ah ee qofka taleefanka iskaleh.

Waxay dadkaas cadawga ah awood u yeelanayaan inay diraan, tirtiraan isla markaana ay ka jawaabaan farriimaha taasoo ka dhigan inay la wareegayaan nidaamka taleefanka adigoo aanan ogeyn. Kataxadar barnaamijyada noocaas ah.

  1. FaceApp

Waa inaad sidoo kale iska tirtirtaa barnaamijkan. Steve Sammartino, ayaa caddeeyay in dambiilayaasha jabsada xogaha dadka ay wajigaaga u isticmaali karaan si ay u helaan aqoonsiyada Bankigaaga.

“Wajigaaga iminka waa qaab kamid ah copyright-ka oo aad u baahantahay inaad ka taxadarto qofka aad u ogolaaneyso inuu isticmaalo xogtaada joomarka.

Mustaqbalka markaan wajiyadeena wax u isticmaaleyno sida, lacagteena iyo kaararka bankiga kadib waxaan sameynay waxaa waaye inaan furayaasheena aan kuwa kale siinay,” ayuu yiri khabiir Tiknolojiyadeed.

Barnaamijyo kale oo ay kamidyihiin, super-boost cleaner, phone booster, free daily horoscope 2019, phone power booster, ayaa sidoo kale kamid ah barnaamijyada halista ah.

Related Articles

Back to top button