Waxyaabaha Cajiibka Ah Ee Kugu Dhici Doona Markaad Gasho Xiriir Daacad Ah

Isfaham iyo ixtiraam waa tiirarka wanaagsan ee xiriirka. Daacadnimada waa sheeyga ugu muhiimsan ee ay labada ruux u baahanyihiin haddii ay rabaan guur ama xiriir guuleysta.

Haddii aad isku aragtay warbixintaan, sii aqri. Waa kuwaan 4 waxyaabood oo kugu dhici doona markaad hesho xiriir dhab ah oo jacayl leh.

  1. Dareen ahaan iyo shaqsi ahaan ayaad u koreysaa

Markaad lugaha la gasho xiriir daacad ah isla markaana furan wuxuu kaa cawin doonaa qeybo kala duwan oo nolosha kamid ah.

Inaad qof si dhab ah u jeclaato ayaa kobcin doonta noloshaada waxaadna xaqiiqsan doontaa inaadan qofkaan kahor aadan si dhab ah qof u jeclaan.

Jacaylka labadiina qofood aad wadaagi doontaan ayaa ku siin doona awood iyo geesinimo aad ku noqoto qofka aad tahay iyadoo sidoo kale ay noloshaada hormari doonto. Waxaad ku kori doontaa maskax ahaan iyo ruux ahaanba.

  1. Waxaad ogolaan doontaa in naftaada ay tahay mid nugul

Tani wax caadi ah ayay noqon doontaa markaad gasho xiriir dhab isla markaana aad bilaawdo inaad jeclaato qof si dhab ah kuu daneynaya, kama cabsan doontid in gacaliyahaaga aad tusto sida qalbigaagu u jilicsanyahay.

Kama cabsan doontid inaad u sheegto dhaawacyadii iyo nabaradii hore ee laguu geystay sababtoo ah kalsoonida aad ku qabto qofkaas ayaa wax waliba ka dhigi doonta mid fudud.

Malo iyo shaki dambe ma jiri doono oo jacayl uun kaliya ayaa jiri doona.

  1. Waxaad fahmi doontaa faa’idada inlawada xiriiro iyo la isku tanaasulo

Gelitaanka xiriir jacayl iyo daacadnimo ku dhisan ayaa ka dhigi doona qof aanan naftiisa kaliya ka fekerin.

Wuxuu furayaa qalbigaaga isagoo sidoo kale kaa dhigaya mid ka fekera dareenka iyo baahiyaha dadka kale oo ay ka bilaabaneyso baahiyaha lamaanahaaga.

Waxaad baran doontaa inaad sameyso tanaasul, wadashaqeyn iyo in sidoo kale wadaxiriiriddu ay muhiim tahay haddii aad rabto inaad yeelato xiriir farxad ku dhisan isla markaana hore u socda.

  1. Waxaad baran doontaa inaad si fudud wax u cafiso

Markaad qof si daran u jeceshahay ma jiraan waxaad qalbiga ugu heyneyso. Waxaad joojineysaa inaad caro u heyso sababtoo ah ma jiraan wax ka muhiimsan kalsoonida.

Jacaylka idiin dhexeeya ayaa ka weyn wax walba.

Related Articles

Back to top button