XIRIIRKA IYO GUURKA

5 Tilmaamood Oo Aad Ku Garan Karto Marka Ninku Uu Xiriir Dhaba Kaa Rabo Gabaryahay

Waxaa jiraan dhowr qaabood oo ninku ku muuji karo sida dhabta ee uu kuu doonayo gabaryahay.

Waa kuwaan 5-ta calaamadood ee ugu muhiimsan.

  1. Wuxuu eegaa fikirkaaga kahor intuusan qorshe sameyn

Ninka sida dhabta ah kuu rabo wuxuu eegi doona ama rabi doonaa fikirkaaga kahor intuusan wax qorsheynin ama kahor intuusan qorshihiisa guda galin. Taasoo ka dhigan inuu ku qiimeeynayo isla markaana qiimeyo fikradahaaga.

  1. Wuu ku dhageystaa

Ninka daacadda ah ee sida dhabta ah kuu raba waa mid ku dhageysan doona sidaa darteed wuu ku fahmayaa. Wuxuu ku amaahiyaa dhagihiisa waqti kasta oo aad rabto inaad ismuujiso gabaryahay.

  1. Hufnaan

Waxba kaama qariyo. Daacad ayuu kuu yahay, wuxuu muujiyaa aragtidiisa si xor ah isagoona sidoo kale kaala hadla qorshaha mustaqbalka. Haddii uusan marna kuu furfurneyn kadib waqtiga ayuu kaa luminayaa.

  1. Wuxuu ilaaliyaa ballamaha

Haddii Aad Dooneysid In Nin Aad Ka Dhigto Mid Aad Kuu Raba – Fadlan Raac Tilmaamahan

Wuxuu ilaaliyaa ballan kasta uu kaa qaaday sababtoo ah wuxuu qiimeeyaa isla markaana arkaa inaad tahay qeyb isaga kamid ah.

Ma sameeyo ballamo been abuur ah sababtoo ah ma rabyo inuu ku niyad jabiyo.

  1. Wuxuu rabaa inaad la kulanto ehelkiisa iyo saaxiibadiis

Waad ogtahay inuu daacad kuu yahay marka uu kuusoo bandhigo saaxiibadiis iyo qoyskiisa si ay u arkaan inaad xiriir leedihiin.

Tani waa tallabo weyn oo ku aadan xiriir muddo dheer ah.

Related Articles

Back to top button