CAAFIMAADKA

Wax Ka Ogoow Qofka Killi Kuu Bixin Kara Ama Aad Adigu Ugu Deeqi Karto

Kelidu waxaan oran karnaa waa xubin kamid ah kuwa ugu muhiimsan jirka bini aadamka hadii aysan ahaynba xubinta koobaad ee ugu muhiimsan,

Shaqada ugu weyn oo ay jirka uqabtaan kelyihu waa in ay gudaha jirka ay ka saaraan qashinka iyo sunta cuntada aynu cuno la socota ama daawada aynu qaadano,

Hadii ay howl gab noqdaan kelyihu ama shaqada ay joojiyaan waa xaalad halis ah oo uu qofku si fudud oo dhokhso ah ugu dhiman karo hadaan keli qof kale loogu deeqin ama loo samey dhaqitaan maalin walba ah gudaha jirkiisa,

Hadaba su’aashu ama muhiimada casharkeena maanta waxa ay tahay qofkii ayaa keli kuugu deeqi kara?

Waxaa keli kuugu deeqi dadka uu nooca dhiigiinu ay isku midka yahiin,

Nooca dhiigga aan ka hadlayo waa 4 tii nooc ee dhiigga loo qaybin jirey oo kala ahaa A, B, AB, O

Kelli deeqitaanku saameyn kuma yeelan karto Rh factor antigen oo ahaa (- ama + )la socon jirtey noocyada dhiigga tusaale ahaan A- ama A+,

oo muhiimdu in qofku keli kuu bixiyo kaama xadideyso kala duwanaanshaha nooca dhiigga calaamada uu wato ee ah( – ama +).

QOFKEE KELI KUUGU DEEQI KARA?

  • Hadii uu nooca dhiigaadu uu yahay O waxaa keli kuugu deeqi kara qof dhiigiisu uu yahay O oo kaliya,

cid uusan O uusan dhiigoodu ahayn kuuma saari karaan keli.

  • hadii uu nooca Dhiigaadu uu yahay A waxaa keli kuugu deeqi kara dadka uu dhiigoodu uu yahay A iyo O oo kaliya,

Cid aan labadaas nooc uusan dhiigoodu ahayn keli kuuma saari karaan.

  • hadii nooca dhiigaadu uu yahay B waxaa keli kuugu deeqi kara qofka uu nooca dhiigiisu uu yahay B iyo O oo kaliya,

Cid aan labadaas nooc uusan dhiigoodu ahayn keli kuuma saari karaan.

  • hadii nooca dhiigaadu uu yahay AB waxaa keli kuugu deeqi kara qofka uu nooca dhiigiisu uu yahay A, B, AB, O,

Micnaheedu qofka uu dhiigiisu uu yahay AB waa qof nasiib badan oo qof kasta ayaa keli ugu deeqi kara noocii uu doono ha ahaado dhiigiisu,

Waxaan dhihi karnaa qofkaan waa “qaataha guud”

Gaarsii asxaabtaada oo u SHARE garee ama halkaan uga wac asxaab kuu muhiim ah oo aad isleedahay hadaad keli u baahato way kuugu deeqi karaan si aad u ogaato nooca dhiigooda.

W/Q: Dr Amen

Related Articles

Back to top button