XIRIIRKA IYO GUURKA

3 Waxyaabood Oo La Sameeyo Haddii Aadan Rabin In Xaaskaaga Ay Ku Qiyaanto

Inkastoo raggu ay u heystaan inay aad ugu wanaagsanyihiin qiyaanada balse haweenka ayaa sidoo kale si ka wanaagsan u sameyn kara ayadoo raggu ogaan.

Ragga waa kuwo mar kasta xaasaskooda ka ilaalin kara qiyaano waxayna taasi si weyn ugu xirantahay sida aad ula dhaqanto iyo sidaa naftaada u xakameyso.

Waa kuwaan 3 siyaabood oo muhiim ah oo looga hortago in xaaskaaga ay ku qiyaanto:

  1. Marka hore adiga jooi qiyaanada

Waxa ugu xun ee nin uu sameyn karo ayaa ah inuu qiyaano xaaskiisa. Marka ay ogaato inaad qiyaaneyso waxaa suurtagal ah inay go’aan ku gaarto in iyadana ku qiyaanto.

Ogoow in haweenku ay yihiin kuwa ugu qatarsan marka ay noqoto qiyaano marka ha isku dayin inaad xaaskaaga qiyaanto.

Farxadda iyo xasiloonida guurkaaga dartiis, jooji inaad qiyaanto iyadana markaas kuma dhiiran doonto inay ku qiyaanto.

  1. Guurkaaga haka sareeyo qeybaha kale ee nolosha

Waxaad heshay shaqo, mashruucyo ganacsi iyo waxyaabo kale oo muhiim balse waxyaabahaas si wanaaagsan uma soconayaan markaad xaaskaaga u caddeyso inaadan qiimeyn xiriirka aad laleedahay.

Haddii aad tahay nooca xaaskiisa u muujiya kalgacayl yar isla markaana siiya dareen yar, fursadaha ayaa ah inay kaa tegi doonto si ay u raadsato waxay kaaga baahneyd ee adan siin.

Hadaba, adga ayay ku quseysaa inaad isbedel ku sameyso guurkaaga.

  1. Eedeynta ka daay

Haddii aad si isdaba joog ah ugu eedeyso inay rag kale xiriir la leedahay iyadoo daacad ah kadib fursadaha ayaa ah inay ku qiyaani doonto.

Sabab? Sababta ayaa inuusan jirin farqi u dhexeeya haddii ay ku qiyaanto iyo haddii ay daacad kuu ahaato markaad ku eedeeyso qiyaano iyadoo daacad kuu ahayd.

Arrintaas darteed iska ilaali inaad si been abuur ah ugu eedeyso qiyaano iyadoo aanan ku qiyaanin.

Related Articles

Back to top button