XIRIIRKA IYO GUURKA

Waxyaabaha Ay Tahay Inaadan Marna Nin U Sameyn

Waala yaab in mararka qaar gabdhaha ay waxyaabo u sameeyaan jacayl dartiis si ay uga farxiyaan raggooda.

Qaarkood inta ay sameynayaan wixii karaankooda ah si ay u ilaashadaan ninka ayay hilmaamaan naftooda.

Si kastaba, xaqiiqda ayaa ah in waxyaabaha qaarkood oo loo sameeyay jacayl dartiis aysan ahayn waxyaabo ay sax tahay in la sameeyo.

Shabakadda Aayaha, ayaa idiin soo gudbineysa 4 waxyaabood oo ay tahay inaadan marna nin u sameynin.

  1. Inaad riyooyinkaaga isaga dartiis u joojiso

Haddii ninkaagu ku geliyo xaalad ah inaad kala doorato shaqadaada iyo isaga, naftaada horeysii. Ha ogolaan in caqabadaha jacaylka ay qaataan aragtidaada iyo hammigaaga.

Waa riyadaada, haka tanaasulin wax kasta si aad u heysato qofkaas.

Haddii aad isaga dartiis u joojiso riyooyinkaaga ogoow waxaa adiga kugu dhacaya madax xanuun balse wuxuu isaga helayaa farxad. Haka yeelin.

2.Waligaa ha siin dalab aadan rabin

Haddii aadan ku faraxsaneyn dalabkiisa, waa inaadan qarin si aad u caddeyso jacaylka aad u qabto.

Waxaa la yahay dad kala duwan oo leh dookh kala duwan iyo fikrado kala duwan.

  1. Inaad bedesho muuqaalkaaga

Ha u bedelin muuqaalkaaga ninkaaga dartiis micnaha haka yeelin inuu kugu amro inaad iska dhigto nooc uu jecelyahay sida inaad iscayiliso.

Waa in sidaa tahay uu kugu jeclaadaa kuguna raboodaa, haddii culeyskaaga, timahaaga ama qaab dhismeedkaaga uu ka welwelsanyahay waxaad ogaataa inuusan sabab wanaagsan kugula joogin.

Isbedel walbo oo muuqaalkaaga aad ku sameyneyso waa inaad ku sameysaa rabitaankaaga, ma ahan inaad qof kusoo jiidatid ama rabitaankiisa aad ku sameyso.

4.Siin awood xad dhaaf ah

Ha siinin awood badan. Haweeney adag waa tan qaadata kaalinteeda isla markaana aanan sugin in waxaas iyo waxaas sameey la dhaho.

Waa inaad noqotaa qof horey ugu socdo go’aamadiisa intaad ogolaansho ka sugi lahayd qof kale. waxaad tahay qof weyn oo og waxa u wanaagsan.

Related Articles

Back to top button