XIRIIRKA IYO GUURKA

4 Qalad Oo Ay Tahay Inaad Guurkaaga Ka Ilaaliso Iyo Lamaanayaasha Badankood Oo Sameeya

Inaad yeelato xiriir degan oo daacadnimo ku dhisan waa mid kamid ah waxyaabaha dad badan ay raadiyaan.

Si kastaba, Yeelashada xiriir noocaan ah ma salahana taasoo ay ugu wacantahay qaladaadka lamaanayaasha qaar ay sameeyaan.

Hoos waxaad ka aqrisan kartaa qaar kamid ah qaladaadkaas aad sameyneyso ee si tartiib ah u burburinaya guurkaaga.

  1. Inaadan noqon qof kalgacayl leh

Siyaabo kala duwan ayaad kalgacayl ugu muujin kartaa lamaanahaaga sida inaad gacmaha qabsato adigoo jacayl u muujinaya, il gooni ahna ku eeg adigoo u mahadnaqaya, ixtiraam u muuji.

Haddii aad aragto in lamaanahaagu aysan daneyneyn waxyaabahan, tani waxay noqon kartaa tilmaan muujineysa inaad wajahayso dhibaatooyin dhanka guurka ah. Waxaad noqon kartaa qof dilaya guurkiisa isagoo aanan ogeyn.

  1. Inaad noqoto qof sir badan

Markaad xiriir la leedahay qof, waa inaad iska ilaalisaa inaad siraha ka qarsato. Dadka badankood waa kuwo siraha ka qariya laamanayaashooda taasoo ugu dambeyn keenta in xiriirku burburo sababtoo ah mid kamid ah labada qof ayaa dareemaya in la qiyaanay.

  1. In kaligaa aad go’aano sameyso

Markaad xiriir la yeelato qof, wuxuu micnaheedu yahay inaad koox noqoteen sidaa darteed waa inaad si wadajir ah u sameysaan go’aanada saameynaya xiriirka/guurka.

In go’aanada aad kaligaa sameyso waxay ka dhigeysaa lamaanahaaga mid dareema inuusan muhiim ahayn.

  1. Guurkaaga oo aadan muhiim ka dhigin

Dadka badankood waxay u egyihiin ku mashquul ah sidaa darteed dhammaantood way hilmaamaan xiriirka ama guurka.

Mararka qaar waxay mudnaanta siiyaan shaqooyinkooda iyagoo kahormariya guurarkooda iyo caruurtooda.

Lamaanahaaga iyo caruurtaada waxay u baahanyihiin inaad mudnaan siiso si guurkaaga u noqdo mid xoog leh.

Related Articles

Back to top button