Waxyaabaha Ay Ragga Si Gaar Ah Ugu Sameeyaan Haweenka Ay Jecelyihiin

Waxaa jiraan waxyaabo ragga ay u sameeyaan haweenka ay jecelyihiin oo kaliya; uma sameeyaan haweenka aysan jecleyn. Haddii ninkaagu sameeyo waxyaabahan kadib aad ayuu kuu jecelyahay;

  1. Sidaa tahay ayuu kugu jecelyahay

Ninka si dhab ah ayuu kuu jecelyahay markii uu kugu rabo sidaa tahay. Ma doonayo inuu ku bedelo sababtoo ah waxa uu kugu arko waa waxa uu kugu jecelyahay.

Marka nin six ad dhaaf ah uu kuu jecelyahay, wuxuu kugu jeclaanayaa dhammaan awoodahaaga iyo daciifnimadaada. Wuxuu kuu arkaa quruxleey xittaa markaad ku jirto maalamaha kuugu xun.

  1. Wuxuu kuu sheegaa dhammaan cilladihiisa isagoo hortaada ilmada ku quba

Waxaa la sheegay in marka nin uu haweeneydiisa kuhor ooyo inay taasi tahay calaamad xiriir oo shucuur ay ku dheehantahay. Dunida aan maanta joogno ragga waxaa lagu soo barbaariyay inay adkaadaan isla markaana ay noqdaan kuwo dareen adag.

Balse haddii raganimadiisa uu dhinac iska dhigo isla markaana ku fekero mid aanan macno lahayn adiga hortaada kadib aad ayuu kuu jecelyahay.

Ma jiro nin jeclaan lahaa inuu naagtiisa kahor muuqdo isagoo u eg nin jilicsan balse haddii taas uu hortaada ku sameeyo kadib ma heysid sabab aad ku qiyaanto jacaylkiisa.

  1. Wuxuu qiimeeyaa aragtidaada

Aad ayuu kuu qimeeyaa marka aragtidaada ay tahay mid u xisaabsan. Aragtiyadaas ayaa waxay noqon karaan sida, bilaabid ganacsi, sida lacag loo keydsado iyo waxyaabo kale oo intaas kasii badan.

Related Articles

Back to top button