XIRIIRKA IYO GUURKA

Waa Kuwaan Waxyaabaha Sodohda Ay Ka Rabto Gabadha

Mid kamid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee markii gabar ay guursato ay sameyneyso ayaa ah inay dhisto xiriir wanaagsan oo ay la yeelato Sodohda ama wiilka hooyadiis.

Intabadan ma dhacaan dhibaatooyin qoys marka gabadha ay xiriir wanaagsan la yeelato hooyada dhashay ninkeeda ama Sodohda.

Dhinaca kale, si xiriirka u guuleysto , waxaa jiraan waxyaabo Sodohda had iyo jeer ay ka rabto gabadha ay Sodohda u tahay.

  1. Gabar saaxiib ka dhiganeysa

Intabadan waxyaabaha ugu muhiimsan ee Sodohyaasha ay ka fishaan gabdhaha ay Sodohda u yihiin ayaa ah saaxiibtinimo.

Waxay jecelyihiin in gabdhahaas ay wiilashooda qabaan ula dhaqmaan sidii saaxiib oo kale amaba inay ka dhigtaan saaxiib, marka gabaryahay ku dadaal inaad Sodohdaa isfahantaan isla markaana aad ka dhigato saaxiib.

  1. Gabar daryeesha wiilkeeda

Ma jiro xiriir ka adag kan ka dhexeeya hooyo iyo wiilkeeda. Sidaa awgeed marka uu yimaado waqtiga uu wiilka guursado, caadiyan waxay ku duceystaan hooyooyinka Sodohyada ah oo dhan in wiilashooda si wanaagsan loo daryeelo.

  1. Haweeney wiilkeeda ka caawisa inuu riyooyinkiisa ka guul gaaro

Sheey kale oo Sodohyada ay ka rabaan gabdhaha ay Sodohyada u yihiin ayaa ah inay noqdaan kuwo wiilashooda ku taageera inay ka guul gaaraan riyooyinkooda iyo hammigooda.

Heysashada gabar noocaas ah waa mid Sodohda aad uga farxineysa, waana nooca Hooyooyinka Sodohyada ah oo idil ay ku duceystaan in wiilashooda ay heelaan.

Related Articles

Back to top button