XIRIIRKA IYO GUURKA

3 Calaamadood Oo Lagu Garto Inaad Nacday Xaaskaaga

Marka ay dhacdo in ninka uu naco xaaskiisa waxaa jiraan calaamaado badan uu lasoo baxo kuwaas oo markii hore uusan lahaan jirin.

Waa kuwaan 3 astamaaood oo lagu garto inaad nacday xaaskaaga.

  1. Muhiim uma aragtid wicitaanadeeda iyo fariimaheeda

Farriimo ayay kuusoo dirtaa markaad shaqada joogto laakiin waad ka gaabsataa inaad uga jawaabto sababtoo ah waxaad dareensantahay inaysan muhiim kuu ahayn.

Si lamid ah wicitaanadeeda, ma aragtid baahi aad u qabto inaad ka qabato taleefanka, markaad guriga tagtana kama fikirtid inaad u sharaxdo sababta.

  1. Waadka fogaataa markay isku daydo inay kuusoo dhawaato

Iyadoo ay jirto inay ku dadaaleyso in guurku shaqeeyo, waxaa dhan ee aad sameyso ayaa ah inaad ka fogaato isla markaana iska ilalaiso.

Waxay ku weydiisataa inaad dareenka siiso balse waad iska indha tirtaa. Way cadahay inaad nacday gabadhaas.

  1. Aad ayaad u eedeysaa

Wixii yar ee dhaca iyadaa dusha ka saartaa. Maalinta xigta wax weyn ayaa dhacaya sidii caadiga ahaydba iyadaa ku eedeysaa adigoo og inaysan qaladkeeda ahayn waxaad ama aysan iyada sameyn.

Jacaylkii wuu yaraaday balse dib ayaa mar kasta loo soo celi karaa sidaa darteed hel waddo aad wax ku xaliso ama si fudud iska fasax gabadhaas.

Related Articles

Back to top button