XIRIIRKA IYO GUURKA

3 Siyaabood Oo Aad U Dhaawaceyso Xaaskaaga Adigoo Aanan Ogeyn

Waxaa jira waxyaabaha qaar oo raggu sameeyaan kuwaasoo ugu dambeyntii dhaawacaya haweenkooda.

Hoos ka akhriso saddex siyaabood oo aad u dhaawici karto xaaskaaga adigoo aanan ogeyn.

  1. Mudnaan siinta shaqadaada

Ragga qaarkood waxay u maleeyaan in shaqadooda ay muhiimsantahay waqti la qaadashada xaasaskooda sababtoo ah waa ilaha nolosha qoyska. Adigoo sidaas u fekeri kara ka rag ahaan, xaaskaagana si ka duwan ayay u fakareysa.

Waxay xaaskaaga rabtaa inaad dhigto muhiimadda koowaad balse aadan ka dhigin shaqada.

Hadaba, ka nin ahaan, waxaad u baahantahay inaad isku dheeli tirto shqadaada iyo noloshaada shaqsiyadeed.

  1. Sameynta qorshe adigoo aanan waxba kala tashan

Haweenka way jecelyihiin in la qiimeeyo, qaabka ugu wanaagsan ee aad sidaas ku sameyn ka rag ahaan waxay tahay inaad la tashato iyada kahor intaadan qorshaha bilaabin.

Waxay u baahantahay inay dareento inay tahay qeyb adiga kaamid ah.

Waxaad u caddeyn kartaa qiimaha ay kuugu fadhiso adigoo raadinaya aragtideeda iyo fikradeheeda kahor intaadan qorshaha guda galin.

  1. Cabasho

Haweeney kasta waxay rabtaa nin hogaamin kara, howlkar ah oo niyadsan. Marka xaaskaaga ay xaalad xun ku jirto waxay u baahantahay inaad ka caawiso culeysyada heysta isla markaana aad garab u noqoto.

Markaad tahay mid rajo xun oo had iyo jeer cabasho badan, xaaskaaga ma dareemeyso inay kugu aamini karto daryeelka nafteeda.

Noqo nin karti leh, shaqeyso oo daryeel xaaskaaga iyo caruurtaada.

Related Articles

Back to top button