5 Weedhood Oo Ka Cajiibsan “Waanku Jeclahay”

Weedha waanku jeclahay waa wax guud oo ay isticmaalaan lamaanayaasha. Si kastaba ma ogtahay marka laga soo tago taas inay jiraan weedho kale oo awood badan.

Waa kuwaan qaar kamid ah weedhaha ka cajiibsan “Waanku jeclahay”.


  1. “Waanku ixtiraamaa”

Ma jiraan wax ka muhiimsan in lamaanahaaga aad ogeysiiso inta aad ixtiraamto isaga/iyada. weedhan ayaa ah mid ay si weyn uga mahadceliyaan lamaanayaal farabadan isla markaana ay ka jecelyihiin “waanku jeclahay.”

  1. “Waanku cafiyay”

Xiriirka, waxaa jiraan waqtiyo aad sameyso qaladaad ka careysiiya lamaanahaaga. Balse lamaanayaasha oo idil waxay u baahanyihiin inay iscafiyaan sidaa darteed farxad ayay kuwada noolaan karaan.

Tusidda in lamaanahaaga aad u cafisay isaga/iyada qaladkii ay galeen waa arrin aad muhiim u ah.

  1. “Waanku taageerayaa/garab ayaan kusiinayaa”

Ma jiraan wax ka qiimo badan in lamaanayaasha ay isgarabsiiyaan. Sidaa darteed waa muhiim inaad lamaanahaaga ogeysiiso inaad diyaar u tahay inaad garab istaagto.

  1. “Naftaan kuu huraa”

Dadku way isjecelyihiin laakiin dad yar ayaa nafta u huri karaa lamaanahooda. Marka sababtaas darteed waa muhiim in lamaanahaaga aad ogeysiiso inaad nafta u huri karto.

  1. “Waanku ilaalinaa”

Ma jiraan wax ka heee sareeya in haweeneyda ay ninkeeda ka hesho ballan qaad ah inuu wax kasta sameyn doono si uu u ilaaliyo.

Helitaanka damaanad qaad noocaan ah ayaa ka qiimo inaad u sheegto inaad jeceshahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button