CAAFIMAADKA

Wax Ka Ogoow 3 Xaqiiqo Oo Ku Saabsan Cudurka Kansarka Naasaha

Kansarka Naasaha waa cudur kora oo ku dhaca unugyada Naasaha gaar ahaan wuxuu weeraraa qanirada iyo unugyada caanaha keena.

Hoos waxaad ka akhrisan kartaa xaqiiqooyin aadan ka ogayn kansarka naasaha.

  1. Kansarka Naasaha wuxuu intabadan weeraraa naaska bidix

Kansarka Naasaha wuxuu ku dhacaa Naasaha balse Naaska bidix ayaa intabadan ah uu ku dhaco. Sababta ayaa waxay tahay dhinaca bidix ee jirka ayaa aad ugu nugul nooca Kansarka loo yaqaano melanoma.

Markaad gaboowdo halista cudurkaas aad ayay u badaneysaa.

  1. Kansarka naasuhu wuxuu ku badan yahay dadka da’da ah

Markay haweeneydu gaboowdo, fursadda uu cudurkaas kusoo weerari karo ayaa ah mid aad u badan marka la eego haweenka da’da yar.

Kansarka Naasaha wuxuu intabadan saameeyaa dadka ku jira da’da 55 sano iyo wixii kabadan.

  1. Kansarka Naasaha wuxuu sidoo kale ku dhici karaa Ragga

Haddii aad u maleyso in kansarka Naasaha uu ku dhaco haweenka kaliya markaas waad qaldantahay.

Kansarka Naasaha wuxuu sidoo kale ku dhacaa ragga balse waa arrin dhif ah ama ay yartahay.

Rag aanan badneyn ayuu ku dhacay Kansarka Naasaha balse wuxuu ku badanyahay haweenka.

Naasnuujinta muddada dheer waxay yareysaa halista kansarka naasaha. Waxaa la ogaaday in haweenka naasnuujiya caruurtooda inkabadan muddo sanad ah ama kayar inay yar tahay in cudurka ku dhaco.

Naasnuujinta badan waxay yareyn kartaa halista in cudurka Kansarka Naasaha ku dhaco hooyada.

Related Articles

Back to top button