5 Sababood Oo Kulanka Sariirta Uu Muhiim Ugu Yahay Guurkaaga

0

Kulanka sariirta wuu ka badanyahay ficil jir ahaaneed. Waa aalad caawin karta xiriirkiina jir ahaan, maskax ahaan iyo dareen ahaan.

Ogoow siyaabaha badan ee kulanka sariirta u xoojin karo xiriirka kaala dhexeeyo lamaanahaaga.

Aayaha.net ayaa kuusoo gudbineysa 5 sababood oo kulanka sariirta muhiim ugu yahay guurka.

1.Guurka ayay xoojisaa

Daraasad ayaa shaaca ka qaaday in lamaanayaasha uu yaryahay kulankooda aysan farxad helin isla markaana u badantahay inay kala tagaan marka loo eego lamaanayaasha waxbadan sariirta ku kulma.

Qubarada waxay sheegeen in marka xiriirka uusan lahayn raaxo ay tahay calaamad muujineysa inuu meesha ka baxay dareenkii isu soo dhowaansho.

2.Hurdo wanaagsan

Waxay u badantahay inaad hururdo kadib kulanka sariirta waxayna tani ku dhacdaa sabab. Hormoonada baxa inta lagu guda jiro galmada ayaa dadka ka caawiya inay galaan xaalad dabiici ah, sida inay farxad dareemaan taasoo keeneysa walaac yari.

Ogsijiinka lasii daayo inta lagu guda jiro raaxada ayaa sidoo kale sare u qaada hurdada.

  1. Yareeynta dhiig karka

Galmada ayaa jimicsi wanaagsan u ah wadnaha sidaa darteed waxay kaa caawineysaa yareynta cadaadiska dhigga.

Kordhinta wax soo saarka hoormoonka galmada gaar ahaan hormoonka estrogen, waa mid faa’iido u leh wadnaha.

  1. Ilaalinta jacaylka

Galmada waxay u muuqan kartaa dhaq dhaqaaq jirka ah balse waxay wadataa arrimo cajiib ah. Waxay sababtaa in jirka uu sii daayo Oksijiin lagu magacaabo hoormoon jacayl kaasoo ku dareensiinaya inaad u baahantahay inaad jeclaato isla markaana aaminto lamaanahaaga.

  1. Wuxuu ilaaliyaa isu soo dhowaanshaha

Galmadu waxay keentaa inaad isku soo dhowaataan adiga iyo lamaanahaaga ma ahan jir ahaan balse sidoo kale dareen ahaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here