7 Calaamadood Oo Muujinaya In Guurkiina Loo Dhisay Inuu Waaro

Waxaa jiraan qodobo gaar ah oo yimaada marka la go’aaminayo in guurka uu noqdo mid waara ama inkale.

Waxaa lagugula talinayaa inaad fiiro gaar ah u yeelatid tilmaamahan xiriirka sidaa darteed waad hagaajin kartaa xiriirkiina hadda amaba ka dhaqaaq oo waqtiga ha iska lumen.


Hoos ka aqriso 7 tilmaamood oo lagu garto in guurkiina loo dhisay inuu waaro.

1. Midba kan kale ayuu ku taageeraa hammiga uu nolosha ka leeyahay iyo guulaha uu rajeynayo haddii aad hammigaas wadaagtaan iyo haddii kale.

Waxaad rabtaa inaad aragto lamaanahaaga oo guuleystay ama ka guul gaaray hammigiisa iyo riyooyinkiisa.

2. Lamaanayaasha raba in guurkoodu waaro waa kuwo daacad isku ah. Daacad u noqoshada lamaanahaaga waxay guurkiina ka dhigi doontaa mid waara oo aanan burburin.

3. Lamaanayaasha ugu talagalay in guurkoodu waaro waa kuwo si qotto dheer isku ixtiraama. Haddii aanu ixtiraam jirin ma jiro guur waaraya.

4. Haddii adiga iyo lamaanahaaga aad si wadajir ah guurkiina ugala soo gudubteen marxalado adag, waxaa jirta fursad weyn uu guurkiina ku noqon doona mid waara.

5. Guurkiina waxaad u dhisteen inuu waaro haddii adiga iyo lamaanahaaga aad diyaar u tihiin inaad isku tanaasushaan.
Markaad si dhab ah u jeceshahay qof, wax waliba ayaad u sameyneysaa qofkaas.

6. Xiriirkiina waxaad ugu talagasheen inuu waaro haddii aad lamaanahaaga ku aamini karto wax kasta.
Haddii lamaanahaaga uusan kugu kalsooneyn isla markaana aadan siinin sabab uu kugu aamino kadib xiriirkiina uguma aadan talagalin inuu waaro.

7. Ma jiro wax celin kara xiriir oo ka wanaagsan jacayl. Xiriirkiina waxaad ugu talagasheen inuu waaro haddii aad lamaanahaaga ku jeceshahay cilladihiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button