XIRIIRKA IYO GUURKA

UGAAR AH DUMARKA: Sameey Waxyaabahan Haddii Aad Dooneysid In Ninkaaga Uu Aad Kuu Jeclaado

Yeelashada guur xasiloon waa mid kamid ah waxyaabaha uu qof kasta nolosha uga baahanyahay.

Si ninka uu ujeclaado gabadha, waxaa ka xiga dhowr waxyaabood. Waa kuwaan qaar kamid ah waxyaabaha muhiimka ah ee qalbiga ninka ka dhigi doona mid dhalaala mar kasta uu ku arko.

  1. Xushmad

Xushmadda waa mid kamid ah tiirarka ugu muhiimsan ee guurka. Guur aanan lahayn xushmad ma dhisnaanayo oo wuu burburayaa.

Ragga ayaa la sheegaa inay kuwo jacaylka ka jecel in haweenkoodu xushmeeyaan. Haweenka waa inay xushmad tusaan raggooda markaas kadib waa hubaal ah inay raggooda ka heli doonaan jacaylka ay uga baahanyihiin.

  1. Isgaarsiin

Sidoo kale Isgaadhsiinta waa sheey kale oo dhisi kara ama burburin kara guurka. Xiriirka wanaagsan wuxuu xoojin karaa guurkaaga.

Si haweenka ay u dhalaaliyaan qalbiyada raggooda waa inay bartaan inay si habboon ula xiriiraan.

  1. Mahadnaq

Mahadnaqa waa sheeyga kaliya ee fudud ee aad qalbiga ninkaaga ku dhalaalin karto. Gabdhaha waa inay bartaan inay ka mahad celiyaan wax kasta oo raggooda ay u sameeyaan oo ay kamid yihiin waxyaabaha aadka u yar.

Tani waxay ragga ku dhiiri gelin doontaa inay si adag ugu dadaalaan inay sidaas kasii wanaagsanaadaan.

  1. Aaminid

Aaminaadda waa sheeyga ugu muhiimsan guurka. Aaminaad la’aan guur kasta wuu burburayaa. Ragga way jecelyihiin marka haweenkooda ay ku kalsoonyihiin.

Tani waxay dareensiineysaa inay yihiin rag wanaagsan oo lagu kalsoonyahay.

Related Articles

Back to top button