XIRIIRKA IYO GUURKA

4 Waxyaabood Oo Haweenku Ka Helaan & Ragga U Sameeya Oo Ay Aad U Jecelyihiin

Haddii aad wada joogteen sanado ama haddii xiriirkiinu yahay mid cusub, waa muhiim inaad ilaalisaan jacaylka guurkiina.

Hoos ka akhriso farsamooyin jacayl oo hadaad u muujiso xaaskaaga aad qalbigeeda hanan doonto.

  1. Eeg

Markay lamaanaha muddo dheer joogaan way yaraataa inay is eegaan. Caadadaan ka jooji xiriirkaaga ama guurkaaga oo inaad eegto ka dhig dabeecad.

Isha la raac gacalisadaada oo mararka qaar haku aragto ama haku qabato adigoo isha ku haayo.

Taasi way ku farxi doontaa iyada.

  1. Taabasho naxariis leh ama aqyaarnimo ah

Taabashada naxariista leh waa qaab wanaagsan oo aad ugu muujineyso kalgacayl iyadoo taasi ay tahay waxa ay u baahantahay haweeneyda aad ifka ka dooratay.

Isku day inaad gacanta qabsato markaad isla soctaan ama inaad laabta geliso markuu roob da’ayo.

  1. Ku tusi banaanka inaad adiga leedahay

Tani waxaad ku tusi kartaa adigoo gacmahaaga ka saaraya dhabarka ama dhexda ka qabsanaya tusaale idinkoo ku sugan oo kale goob xaflad ah ama aroos ah oo aad go’aansateen inaad ka qeybgashaan.

Haweenka aad ayay u jecelyihiin marka raggooda ay tusaan inay ku faanayaan iyagoo banaanka jooga.

  1. Haku fadhiisato dhabtaada waqtiyada aad fasaxa tahay ama firaaqada aad heyso

Isku soo dhowaanshahaas iyo xiriirka jirka ayaa iftiimin kara guurkiina maadaama waqtigaas aad heyso firaaqo.

Waa qaab wanaagsan oo aad kalgacayl ugu muujineyso xaaskaaga iyadoo sidoo kale dareemi doonta inaad jeceshahay isla markaana ay qiimo kuugu fadhiso.

Waxaad sidoo kale ku xambaari kartaa guriga dhexdiisa; adigaa iskaleh.

Related Articles

Back to top button