3 Sabab Oo Gabadha Aysan Uga Soo Jawaabin Farriimahaaga

Inkastoo aad farriimo macaan u dirtay gabadha hadana kama aadan helin jawaab celin iyadoo aad isweydiiso waxa dhibku noqon karto.

Sii aqri.

  1. Is adkeyn

Mararka qaar gabadha si ulakac ah ayaysan kaaga soo jawaabeyn farriimaha sababtoo ah waxay isku dayeysaa inay caddeyso qaalinimadeeda. Marka si kale loo dhaho way isku kaa adkeeyneysaa mana rabto inaad si fudud ku hesho.

Waxay rabtaa inaad dadaal badan ku bixiso iyadoo sidoo kale dooneysa inaadan ka niyad jabin. Waxaad u baahantahay inaad sameyso ayaa ah inaadan farriimaha ka joojin oo aad sii waddo si aad u tusto inay dhab kaa tahay doonisteeda.

  1. Waa mashquul

Sabab kale oo aysan farriimaha kaaga soo jawaabin ayaa ah inay mashquul tahay. Xasuuso inay mashquul noqon karto.

Haweenka qaar taleefanada codka ayay ka xiraan si aanan looga qasin jadwalkooda mashquulka ah.

Ha u caroon hana ka cararin intii muddo a ee dulqaad muuji.

  1. Waxaad jeceshahay inaad dareenkaaga ku muujiso qoraal

Haweenka ma jecla marka ragga dareenkooda ay ku muujiyaan farriimaha. Waa inaad wacdaa ama aad la kulantaa waji ka waji kadibna aad u sheegtaa dareenkaaga.

Tan ayaa noqon karta sabab kale oo aysan kaaga soo jawaabin farriimaha sababtoo ah way ka daashay dareenkaaga aad ugu gudbineyso qoraal ahaan ama aad ugu sheegeyso.

Related Articles

Back to top button