XIRIIRKA IYO GUURKA

Waxyaabaha Dumarku Sameeyaan Markay Ragga Qiyaanayaan

Marka gabar ay ku qiyaaneyso aad ayay u adkaan kartaa inaad ogaato. Gabar qiyaanole ah waxay lasoo baxdaa dabeecado qaarkood la arki karo isla markaana la fahmi karo.

Akhriso qaar kamid ah calaamadaha aad u baahantahay inaad iska ilaaliso si aad u ogaato haddii ay ku qiyaaneyso.

  1. Dhibsasho iyo qeylo badan’

Qeylada waa wax ay ka simanyihiin haweenka balse marka ay xad dhaaf ka dhigaan, waxay u badantahay inay ku qiyaaneyso. Wax kasta way dhibsan doontaa iyadoo carada ay noqon doonto mid faruuryaha ka saaran waxayna diyaar u tahay inay kaa dhaqaaqdo.

Intabadan waxay sidoo kale weyneyneysaa qaladaadkaaga iyo cilladahaaga iyadoo u isticmaaleysa taas si ay uga dhigato waddo ay uga baxsato guurka.

  1. “Saaxiibo ayaa nahay”

Haddii aad dad badan horey ula soo yeelatay xiriiro kadib waxaas waa inaad ka gudubtaa oo waa wax lasoo dhaafay. “Saaxiibo ayaa nahay” ma shaqeyso.

Haddii aad weydiiso sababta ay qofkii hore xiriirka ula soo yeelatay ay iminka xabadka u galiso waxay kuugu jawaabeysaa saaxiibo ayaa nahay”. Oraahdan waxay wadataa halis sidaa darteed waa inaad si dhab ah u qaadataa.

Mararka qaar markaad weydiiso sababta ay kuu qiyaanto way kaa aamuseysaa iyadoo iska ilaalineysa dooda isla markaana horey uga soconeysa wadahadalka.

  1. Waxay nacdaa raaxada iyo isku soo dhowaanshaha

Haddii ay ku qiyaaneyso isla markaana la haasaaweyso nin kale, waxay u badantahay inaysan wax muhiimad ah siinin isdhex galka jir ahaaneed.

Way ku siin kartaa shumisyo yar yar iyo xabad galin si ay kuugu qiyaanto inay wali ku jeceshahay.

Related Articles

Back to top button