Waxyaabaha Guud Ee Raggu Ay Ka Qariyaan Haweenka

Laba dhinac ragga iyo dumarkaba way iska qarsadaan siraha. Markay noqoto ragga, dhib malahan mudada dheer ee aad xaaskiisa tahay, Waxa jiraan waxyaabo yar ama weynba oo uu kaa qariyo.

Hoos ka akhriso 4 sirood oo raggu ay ka qariyaan haweenka.


  1. Arimaha lacagta

Badanaa Ragga waxay dareemaan waalli mar alla markii ay lacagta ka dhamaato ama ay la kulmaan dib u dhac dhaqaale.

Way adagtahay in ninku xaaskiisa u sheego xaaladda dhaqaalaxumo ee heysata. Sababta kaliya ee uu ugu sheegi karo xaaskiisa dhaqaalaxumada heysata ayaa ah inay weydiisato lacag.

Ragga kalsooni darro ayay dareemaan mar kasta oo arrimo dhaqaale lasoo gudboonaadaan.

  1. Been ayuu sheegaa si uu xaaladda u dejiyo

Marka ay wax ka qaldamaan isaga iyo xaaskiisa, waxay u badantahay inuu u sheego been cad si uu u dejiyo.

Ragga way necebyihiin muranka iyadoo wadada kaliya ee ay iskaga ilaalin karaan ay tahay inuu been sheego.

  1. Ragga hooyooyinka ayay la tashadaan marka hore

Mar kasta oo ay xaalad soo kororto ama uu rabo inuu sheey sameeyo wuxuu marka ugu horeysa u tagaa hooyo si uu ugala hadlo arrimahaas.

Taasi uma sheegayo xaaskiisa sababtoo ah way dhaawaceysaa.

  1. Wuxuu rabaa in la ammaano

Ammaanta ma cajab geliso haweenka kaliya balse sidoo kale ragga ayaa aad u jecel in la ammaano Sidaa darteed wuxuu dareemayaa xumaan marka uu sameeyo wax wanaagsan isla markaana xaaskiisa aysan kala hadlin. Si kastaba ma sheegayo taas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button