5 Halisood Aanan La Sheegin Oo Ay Leedahay Rooseetada Bishimaha La Marsado

Quruxda Rooseetada waxay la timaadaa qiimo. Waxaa jira dhowr kiimiko oo loo isticmaalo samaynta Rooseetada bushimaha la marsado.

Kiimikooyinkan qaarkood ayaa waxyeello u geysanaya caafimaadka qofka.


  1. Waxay dhaawacdaa unugyada jirka

Qaar kamid ah biraha loo isticmaalo sameynta Rooseetada ayaa waxaa ku jira chromium, magnesium iyo lead. Marka ay kiimikooyinkaas jirka galaan ama ay ku ururaan, waxay waxyeello u geysan karaan unugyada jirka.

Gaar ahaan kiimikada lagu magacaabo Chromium waxay halis ku tahay kiliyaha iyadoo keeni karta in kilyaha ay shaqo gabaan.

  1. Rooseetada waxay halis ku tahay nidaamka Neerfaha

Kiimikada lagu magacaabo “Lead” waxay qeyb ka tahay Rooseetada iyadoo wadata neurotoxin oo ah sun neerfaha wax yeeleysa taasoo ka dhigan inay khatar ku tahay nidaamka Neerdaha qofka.

  1. Waxay dhibaato u geysataa nidaamka endocrine

Nidaamka “endocrine” wuxuu masuul ka yahay soo saarka hormoonada. Kiimikada Petrochemical ee loo isticmaalo Rooseetada ayaa waxyeello u geysan karta nidaamka endocrine taasoo dhibaato u geysaneysa shaqada dabiiciga ah ee jirka iyo horumarkiisa ama koritaankiisa.

  1. Xasaasiyadda maqaarka

Walxo loogu yeero “bismuth oxychloride” oo kiimiko ah oo loo isticmaalo in lagu ilaaliyo Rooseetada ayaa lagu daraa. Kiimikadaan ayaa keeni karta ama kicin karta Xasaasiyad kadib markaad muddo dheer isticmaasho Rooseetada.

  1. Waxaad liqdaa sun

Iyadoo dhammaanteen aan ognahay in Rooseetada ay qasab tahay ineysan inaadan liqin ama aysan kugu tagin sababtoo ah waxaa ku jiraan kiimikooyin halis ah, mararka qaar si qalad ah ayay u dhacdaa inaad liqdo Rooseetada.

Mar kasta oo aad si qalad ah u qaadato ama aad u liqdo Rooseeto waxaad liqday sun taasoo sababi karta dhibaatooyin caafimaad.

Fadlan iska hubi tayada Rooseetada kahor intaadan iibsan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button