5 Waxyaabood Oo Loo Sameeyo Xaaskaaga Uurka Leh

0

Xilliga uurka waa waqtiga ay xaaskaaga u baahantahay daryeelkaaga iyo caawintaada. Ka nin ahaan waa kuwaan 5 siyaabood oo aad ku daryeeli karto xaaskaaga xilligaan.

  1. Ka yareey walaaca/walbahaarka

Uurka wuxuu la yimaadaa walaac. Waxaad xaaskaaga ixsaan ugu sameyn kartaa isla markaana uga caawin kartaa walaaca inaad u qabato howlaha guriga sida inaad u dhaqdo alaabta iyo wixii kale oo aad awooddo.

U sameynta waxyaabahan waxay xaaskaaga tuseysaa qadarin iyo inaad jeceshahay oo aad daneyneyso.

  1. U raac ballamaha dhaqtarka

Tani waxay tuseysaa xaaskaaga daryeel iyo garab siin. Waxaa intaas dheer inaad ogaan doonto wax kasta oo kusoo kordha xaaladda canuggaaga aanan wali dhalan.

Tallabadan ayaa sidoo kale caddeyneysa inay kaa go’antahay inaad dhinac joogtid.

  1. Ka caawi inay xoogaa hurdo hesho

Uurka dhibaato ayuu u keeni karaa xaaskaaga sida inay daal dareento. Waxaad ku caawin kartaa inay xoogaa hurudo adigoo u daliigaya jidhka isla markaana ka dhigaya mid raaxo dareenta.

  1. Xasuusi jacaylka aad u qabto

Waa waqtigaan markay u baahantahay inay kaa maqasho ereyada cajiibka ah ee “waanku jeclahay” u sheeg sida ay u qurxantahay ama quruxda ay leedahay sababtoo waxay markaas dareemi kartaa inaysan qurxaneyn..

Laabta ku qabo oo ku dheh ereyo macaan.

  1. Caawi marka ay foolaneyso

Markaan waa waqtiga ay aad u nugushahay. Waxay u dhaqmi doontaa sidii inay waalantahay sababtoo ah xanuunka haayo ayaa ka tan badi doono.

Sameey wax kasta oo ay ku weydiisato. Markaan waa waqtiga ay aad kuugu baahantahay.