4 Siyaabood Oo Sodohyada Looga Dhigo Kuwo Ku Jecel

0

Guurka aad ayuu u macaanyahay marka ay Sodohyaashaa ku jecelyihiin. Mararka qaar ragga iyo haweenkaba way ku dhibtoodaan inay kasbadaan jacaylka Sodohyaashood.

Hoos ka aqriso 4 siyaabood oo Sodohyadaa looga dhigo kuwo ku jecel.

  1. Ha u muujin niyad jab

Waxaad ogaan kartaa inaysan ku jecleyn. Maxaad sameyneysaa markaas? Ha tusin inaad ka niyad jabtay iyaga adoo muujinaya shucuur sababta oo ah markaad sidaas sameyso, waxaad kicin doontaa xaalada oo kaliya. U noqo mid deggan oo edeb leh.

  1. Ka fogow iskudhacyada aan loo baahnayn

Isku dhaca waa sun marka ay timaado dhisidda xiriir wanaagsan oo aad la yeelato sodohyadaa. Si aad u hanato qalbiyadooda oo ay kuu jeclaadaan, waxaad u baahantahay inaad ixtiraam u muujiso mar kasta oo ay kula joogaan.

  1. Tusi inaad lamaane wanaagsan u tahay canuggooda

Haweenka, waxaad taas ku sameyn kartaan adinkoo si joogto ah u booqanaya, hadiyado u geynaya isla markaana si wanaagsan ula dhaqmaya wiilkooda.

Ragga, xadid inta jeer ee ay dib ugu cararto guriga sababtoo ah waala dagaashay. Guud ahaan noqo mid u wanaagsan xaaskiisa.

  1. Si wanaagsan uga hadal wiilkooda, gabadhooda

Markaad booqato waalidiinta, si wanaagsan uga hadal canuggooda. Inaad wax wanaagsan ka sheegtid canuggooda ayaa sababeysa inay ku jeclaadaan. Iska ilaali inaad waxyaabo xun ka sheegtid lamaanahaaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here