Home XIRIIRKA IYO GUURKA 5 Waxyaabood Muhiim Ah Oo Aad U Sameyn Karto Qofkaad Jeceshahay

5 Waxyaabood Muhiim Ah Oo Aad U Sameyn Karto Qofkaad Jeceshahay

0

Jacaylku waa macaan markaad muujiso isla markaana aad tusto qofkaad jeceshahay. Jacaylka haku ilaalin qalbigaaga adigoo aanan u muujineyn ama tuseyn qofka aad u qabto.

Hoos waxaad ka akhrisan kartaa 5 waxyaabood muhiim ah oo aad u sameyn kartid qofkaad jeceshahay.

  1. La joogis

Mar kasta ku dadaal inaad la joogto qofka aad jeceshahay. La joogitaankaaga qiimo weyn ayuu ugu fadhiyaa sida la joogooda ay qiimo kuugu leeyihiin adiga.

Sii waqtigaaga sidaa darteed taas bedelkeeda waqrigooda ayay iyagana ku siinayaan.

  1. Dhageyso

Si wacan u dhageyso. Isfahamka aad ayuu muhiim ugu yahay jacaylka. Run ahaantii mid kamid ah hadiyadaha ugu wanaagsan ee qofkaad jeceshahay aad siin karto ayaa ah inaad dhagahaaga amaahiso.

  1. Qaad masuuliyadda ficilladaada

Jacaylka aad u qabto dartiis, waa inaad mar kasta masuul ka noqotaa waxaad sameyso isla markaana lagugula xisaabtami karaa cawaaqinkooda.

Qofna haku eedeeyn qaladaadkaaga.

  1. Ka dhig mudnaanta koowaad

Si wanaagsan ula dhaqan lamaanahaaga. Sii waqtigaaga, la tasho oo go’aanada intaadan qaadan qeyb haka noqdaan.

Tusi in lamaanahaagu muhiim kuu yahay isla markaana ay qiimo kuugu fadhiyaan talooyinkiisa.

  1. Dalxiis iyo damaashaad u wad

Dalxiiska iyo damaashaadka waxay xoojiyaan xiriirada iyo guurarka sababtoo ah labada qofoof aad ayay iskugu soo dhowaanayaan iyagoo si wadajir ah u baranaya waxyaabo cusub.

Waqtiyadaas ayaa ah kuwo ugu wanaagsan ee lamaanuhu wada qaataan.

Previous articleSiddeed arrimood oo lagu garto ragga xaasaskooda dila
Next article5 things she wants to tell you but don’t know how to