3 Waxyaabood Oo Fure U Ah Guurka Guuleysta

Ma dooneysaa inaad dhisto xiriir aad u dhow oo aad la yeelato ninka ama naagta aad ifka ka dooratay.

Farxadda dhabta waxay ku bilaabataa isfaham. Xiriiro badan ayaa meelna gaarin sababo la xiriira isfaham la’aan.

Waxay qaadataa dadaal dheeraad ah si aad u xaqiijiso baahiyaha jacaylkaaga.

Waa kuwaan 3 waxyaabood oo fure ah xiriirka dhabta ah.


  1. Naxariista

Naxariista waa hadiyad aanan la qiyaasi Karin. Waxaad u baahantahay inaad mar kasta naxariis muujiso si aad u ilaaliso awoodda guurkaaga.

Helitaanka qof naxariis badan isla markaana si weyn kuu qiimeeya qalbigana kugu haaya ayaa ah waxa ugu wanaagsan ee noloshaada ku dhici kara.

  1. Ilaalinta heshiisyada

Guurar badan ayaa u burbura kasoo bixid la’aanta ama oofin la’aanta ballamaha. Waa muhiim inaad ilaaliso heshiisyada aad la gasho jacaylkaaga.


Lamaanayaasha ilaaliya xoogga jacaylkooda waxay fahamsanyihiin waxay ka dhigantahay ilaalinta heshiisyada ama ballamaha ay qaadaan mar kasta.

Waligaa ha sameyn ballan haddii aadan diyaar u ahayn inaad kasoo baxdo. Ballamaha aanan laga soo bixin waxay burburin karaan xiriirka/ guurka.

  1. Umahadnaqid

Dad badan ayaanan lamaanayaasho tusin mahadnaq. Waxaad u baahantahay in qofkaad jeceshahay aad u mahanaqdo mar kasta.

Lamaanahaaga aad ayuu kuusii jeclaanayaa hadaad u muujiso mahadnaq nooc kastaha.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button