Waxyaabaha Loo Baahanyahay In Hooyadu Ay Ka Fogaato Mudada Uurka - Aayaha

Waxyaabaha Loo Baahanyahay In Hooyadu Ay Ka Fogaato Mudada Uurka

Uurku markasta ma aha safar u sahlan dumarka. Sagaal bilood muddo gaaban ayay u noqon kartaa qofka caadiga ah balse hooyada uurka leh waxay dareemi kartaa sida qarni inay u tahay.

Inta badan waqtigaan waa xilli xasaasi ah sidaa darteed haweenka uurka leh waxay u baahan yihiin inay is ilaaliyaan.

Hoos waxaad ka akhrisan kartaa qaar kamid ah waxyaabaha loo baahanyahay inaad iska ilaaliso inta aad ku jirto xilliga uurka.

Qaadidda walxaha culus

Qaadidda laabo culus oo kala duwan waa qeyb kamid howlaha ay dadka maalintii qabtaan balse alaabo aad u culus halis ayay ku tahay haweenka uurka leh.

Haweenka uurka leh uma wanaagsana inay qaadaan laabo culus maadaama ay tani sababi karto dhibaato soo gaarta dhabarka iyo uur ku jirka.

Sigaar cabidda iyo khamriga

Cabidda sigaarka iyo qamriga  aad ayay halis u tahay markay haweeneyda uur leedahay. Waxay sababi karaan in haweeneyda ay dhiciso, ilmaha kasoo dilmaan ama ay dhasho ilmo aan caadi ahayn ama waxay sababi karaan in ilmaha ay ka liitaan dhanka kooriimada iyagoo caloosha ku jira.

Jimicsi adag

Jimicsigu wuu wanaagsanyahay markaad uur leedahay sababtoo ah wuxuu u wanaagsanyahay caafimaadka wadnaha.

Jimicsigu wuxuu sidoo kale u wanaagsanyahay maskaxdaada isagoo yareeya cadaadiska dhiigga. Si kastaba, waxaa jiraan qaar kamid ah jimicsiyada oo ay qasab tahay inaadan sameyn adigoo uur leh.

Jimicsiyada noocaas ah waxaa kamid ah jimicsiga culus ama inaad qaado waxyaabo culus iyo baaskiilka.

Waxaad sameyn kartaa kaliya jimicsi fudud sida socodka.

Aayaha.net

Waad ku mahadsantahay akhrinta maqaalkeyga! Waxad qayb libaax ka qaadatay guushayda qoraa ahaan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button