3 Waxyaabood Oo Xoojinaya Maskaxda Canugaaga

Carruurtu waa nimco xagga Eebbe ka timaada oo uu qof waliba doonayo inuu Ilaahay (SWT) siiyo.

Sheeyga ugu wanaagsan ee waalidiinta ay siin karaan caruurtooda waa nolol wanaagsan iyadoo taas ka bilaabata hormarinta maskaxdooda.

Waa kuwaan qaar kamid ah qaababka aad ku xoojin karto maskaxda canuggaaga.

Naasnuujinta

Marka caruurta ay dhashaan, waa qasab in lanaas nuujiyo 6 bilood kahor intaanan naaska laga goyn.

Arrintaan ayaa waxaa sabab u ah waa caanihii ugu horeeyay oo ay ku jiraan colostrum oo ah caano gaar ah oo u wanaagsan horumarka maskaxda isla markaana xoojiya awoodda jirka.

Xiriirka indhaha

Xiriirka indhaha waa mid kamid ah qaababka hooyada ay xiriir kula sameyn karto caruurteeda. Indhaha ku eeg canugga markaad naasnuujineyso, aad la ciyaareyso isla markaana aad la hadleyso.

La hadal

Canugaaga wuxuu noqon karaa mid yar isla markaana aanan hadli Karin balse waxa dhan ee aad u baahantahay inaad sameyso mar kasta ayaa ah inaad had iyo jeer la hadasho.

Canugga ma fahmi karo waxaad ku hadleyso balse hubi inuu ku dhageysanayo.

Aayaha.net

Waad ku mahadsantahay akhrinta maqaalkeyga! Waxaad qayb libaax ka qaadatay guushayda qoraa ahaan.

Related Articles

Back to top button