Siyaabaha Xiriir Dhow Loola Yeesho Ninkaaga Ama Xaaskaaga - Aayaha
Trending

Siyaabaha Xiriir Dhow Loola Yeesho Ninkaaga Ama Xaaskaaga

Inaad xiriir dhow la yeelato lamaanahaaga waa muhiim haddii aad dooneysid in xiriirkiina ama guurkiina uu waaro.

Hoos ka akhriso 5 siyaabood oo xiriir dhow loola yeesho lamaanahaaga.

  1. Dhagahaaga amaahi

Dhageysiga iyo isfahamka waxay abuuraan xiriir adag oo u dhexeeya labada qofood ee isjecel. Waxaad jartay xiriirkii aad lalahayd lamaanahaaga markaadan dhageysan waxay kuu sheegeyso ama uu kuu sheegayo.

  1. Wadasheekeysi

Mar kasta wada sheekeysta sidaa darted waxaad yeelaneysaan xiriir adag. Dadka badankood way joojiyaan wadasheekeysiga markay isguursadaan waana arrin xun.

Waa inaad si qotto dheer uwada sheekeysataan xittaa markaad isguursataan kadib.

  1. Isla daawada waxaad labadiina jeceshihiin

Haddii uu yahay filim ama musalsal taxane ah oo aad labadiina jeceshihiin, waa inaad heshaan waqti aad si wadajir ah u wada daawataan.

  1. Ammaanta ka dhig mid joogto ah

Had iyo jeer xasuuso inaad ammaanto xaaskaaga/seygaaga. Haddii ay si wanaagsan u labisato ku dheh ereyo ka farxin doona.

Haddii ninkaagu timaha si qurxan usoo jarto ku ammaan.

  1. Kalgacayl umuuji

Kalgacayl u muuji seygaaga/xaaskaaga. Taasi waxay abuureysaa dareen wanaagsan iyo inaad si aad ah iskugu soo dhowaataan labadiina.

Laabta midba kan kale ha geliyo sababtoo ah waad isleedihiin mana jirto cid iskaga kiin dhow. Waxaa tihiin labo ifka iska doortay.

Aayaha.net

Waad ku mahadsantahay akhrinta maqaalkeyga! Waxaad qayb libaax ka qaadatay guushayda qoraa ahaan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button

Adblock Detected

Fadlan iska xir barnaamijka Ad Blocker si aad u akhrisato warbixinadeena. Mahadsanid.