XIRIIRKA IYO GUURKA

5 Astaamood Oo Lagu Garto Guurka Wanaagsan

Qof kasta wuxuu rabaa inuu yeesho xiriir leh farxad, jacayl iyo raaxo. Qaar kamid ah dadka waxaa ku dhacday xiriirxumo iyagoo aanan garaneyn sida uu yahay xiriir wanaagsan.

Waa kuwaan qaar kamid ah astaamaha xiriirka/guurka wanaagsan.

  1. Dareen wadaag iyo daacadnimo

Xiriirka wanaagsan waa kan labada lamaane ay wadaagaan dareenkooda si dhab ah. Labada lamaane waa kuwo isxushmeeya isla markaana aqbala kuwa kale dareenkooda.

  1. Labada lamaane waxay qiimeeyaan xiriirka

Lamaanayaasha leh xiriir caafimaad qaba waa kuwo isku daacad ah. Waxay sameeyaan wax kasta oo suurtagal ah si ay u ilaaliyaan xiriirkooda/guurkooda iyagoo ku dadaal inay ka ilaaliyaan isku dhac iyo wax kasta oo keeni kara in guurkoodu burburo.

  1. Waxay ixtiraamaan fikradohooda

Lamaanayaasha le xiriir wanaagsan waxay ogyihiin inaysan ahayn inay wax walba isku raacaan waxkasta oo yimaadaa.

Waxay ogyihiin in mid kasta oo kamid ah uu leeyahay aragti iyo fikrad kala duwan.

  1. Waxay diyaar u yihiin inay cafis isweydiistaan

Cafiska iyo raalligelinta waa kuwo u wanaagsan guurka. Lamaanayaasha cais isweydiista markay wax ka qaldamaan waxay muujiyaan inay diyaar u yihiin isbedel isla markaana ay ka xunyihiin waxa dhacay.

  1. Way isgacan qabtaan wayna is aaminaan

Xiriirka wanaagsan waa kan lamaanayaasha uu midba kan kale taageero. Tani waxay keenyaa inay is-aaminaan  sidaa darted Waxay awoodaan inay ka faa’iidaystaan fursad kasta oo timaada cabsi la’aan.

Related Articles

Back to top button