Siyaabaha Lagu Daryeelo Indhahaaga Maalin Kasta

Dhibaatooyinka indhaha waala iska ilaalin karaa haddii aad isbarto inaad daryeesho maalin kasta.


Si aad u ilaaliso caafimaadka indhaha iyo aragaada, qaado talooyinkaan hoos ku qoran.

  1. Iska ilaali inaad xoqdo indhahaaga wakhti kasta

Iska ilaali inaad xoqdo indhahaaga ama aad ku taabato gacmahaaga oo aanan nadiif ahayn. Gacmahaaga waxaa ku qarsoon wasakh iyo jeermis sidaa darted markaad ku xoqdo ama ku taabato indhahaaga waxay u gudbinayaan jeermis.

Tani waxay sababi kartaa dhibaato soo gaarta indhahaaga.


  1. Ka ilaali qoraxda

Iska ilaali in indhahaaga ay toos ugu dhacaan iftiinka qoraxda iyo shucaaca UV. Tani waxay sare u qaadaa halista ah in indhahaaga qeybta aragga ay waxyeello soo gaarto ama aad aragga weyso.

  1. Iska ilaali cabista sigaarka

Run ahaantii ma jiraan wax faa’ido ah oo la socda cabista sigaarka. Cabista sigaarka waxay caafimaadka u keentaa dhibaatooyin badan.

Waxaa intaas dheer inuu sababo Kansarka Sambabada iyadoo sidoo kale uu sigaarku keeno cudurka indhaha ku dhaca (macular degeneration) kaasoo sababa arag la’aan iyo cudurro kale oo keena in qofku aragga beelo.


Cabista sigaarka ayaa waxay kaloo dhaawacdaa dareemayaasha indhaha.

  1. Indhahaaga nasi

Waa lagama maarmaan inaad indhahaaga nasiino siiso kadib saacado badan oo ay macquul tahay inaad shaqeyneysay. Gaar ahaan dadka ku shaqeeya Kumbiyuutarka waa inaad indhihiina ka nasisaan iftiinka Kumbiyuutarka.

Sidoo kale indhaha si joogto ah iskugu qabo ee fur si aad u ilaaliso ukumaha indhaha ugana dhigto kuwo qoyan ama saliideysan taasoo kaa saacideysa inaad heshon arag wanaagsan isla markaana aad ilaaliso indhahaaga.

  1. Si joogto ah u booqo dhaqtarka indhaha

Si lamid ah sida aad jirkaaga mar waliba uga baarto cudurro suurtagal ah, sidaas oo kale u baar indhahaaga.

Booqo dhaqtarka indhaha si uu uga baaro waxyeello ay suurtagal tahay qabaan, arrintaas aad ayay kuu caawineysaa.

Waad ku mahadsantahay akhrinta maqaalkeyga! Waxad qayb libaax ka qaadatay guushayda qoraa ahaan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button