XIRIIRKA IYO GUURKA

Waxyaabaha Ku Dhacaya Timahaaga Markaad Marisid Xinaha

Xinaha waa dabiici iyadoo dadka badankood ay u isticmaalaan inay ku midabeeyaan cidiyaha.

Sidoo kale Xinaha wuxu muhiim u yahay timahaaga. Ma badalaayo midabka timahaaga kaliya balse wuxuu leeyahay faa’idooyin kale.

Wuxuu baabi’iyaa qolfoofta madaxa

Qabitaana qolfoofta madaxa waa mid kamid ah waxyaabaha aanan marnaba ku siineyn nabad sababtoo ah way ku cuncunayaan.

Qolfoofta madaxa waa calaamad muujineysa in timahaagu wasakhyihiin ama qalalanyihiin. Inaad mariso cilaanka Xinaha ayaa meesha ka saaraya qolfoofta iyadoo maqaarkaaga ka dhigeysa mid nadiif ah oo aanan cuncun lahayn.

Wuxuu yareeyaa timaha go’go,a

Timaha oo gurma oo waxa ay gabar kastaa necebtahay. Tani waxay dhacadaa markay timaha u muuqdaan kuwo liita sidaa darted timaha waxay bilaabayaan inay gurmaan.

Marinta cilaanka Xinaha timhaaga ayaa si wanaagsan kaaga caawin karta yareynta guranka timaha sababtoo ah wuxuu timahaaga ka dhigayaa kuwo xoog leh.

Wuxuu koriyaa timaha

Miyaya timahaaga joojiyeen koritaanka? Marnaba haka walwalin haddii aad ogtahay meelaad ka heli Xinaha sababtoo ah timaha ayuu kuu korinayaa.

Xinaha waxaa ku jira saliido muhiim ah oo hormariya tayada timaha kana dhigaya kuwo nafaqeysan.

Related Articles

Back to top button