XIRIIRKA IYO GUURKA

3 Calaamadood Oo Muujinaya In Ninkaagu Uusan Ku Faraxsaneyn Guurkaaga

Waa muhiim in ninka reerku uu ku faraxsanaado guurka. Inuu ku qabo nin aanan kugu faraxsaneyn waa musiibo.

Xittaa inkastaoo aysan kuu sheegi Karin inay faraxsanyihiin iyo inkale, waxaa jiraan astaamo lagu garto in ninkaagu faraxsaneyn.

  1. Kuma farxo lamaanayaasha kale ee farxadda heysta agtooda

Haddii seygaaga uusan ku farxin ama caroodo marka uu arko lamaanayaal faraxsan, waxay taasi noqon kartaa calaamnad muujineysa inuusan ku faraxsaneyn guurkaaha.

Waxaa arrintaas sabab u ah in dadka ay naxaan marka ay arkaan dad kale oo ku raaxeysanaya waxa aysan iyagu heysan.

  1. Saacado badan ayuu shaqada geliya ama shaqeeyaa

Inkastoo dadka ay waqti badan geliyaan shaqooyinkooda ama waqtiga ugu badan ay ku qaataan goobta shaqada si ay u cadeeyaan inay ka go’antahay shaqada hadana marka la eego ragga xaasaska leh arrinta sidaas way ka duwantahay.

Marka ninka xaaslaha ah uu waqtigiisa ugu badan ku qaato goobta shaqada intuu adiga kula qaadan lahaa kadib tani waxay noqon kartaa astaan muujineysa inuusan kugu faraxsaneyn ama ku faraxsaneyn guurka.

  1. Wuxuu iska ilaaliyaa wada sheekeysiga muhiimka ah

Mid ka mid ah waxyaabaha muhiimka ah ee ay tahay in lamaanaha isqaba ay sameeyaan ayaa ah inay waqti u abuuraan waa wadahadal ama wada sheekeysiyada.

Si kastaba ha noqotee, haddii ninku iska ilaaliyo wada hadallada muhiimka ah ee quseeya xiriirka kadib ogoow inuusan ku faraxsaneyn guurka.

Related Articles

Back to top button