XIRIIRKA IYO GUURKA

Astaamaha Lagu Garto In Sodohdaa Aysan Ku Jecleyn

Xiriirka Sodohyada kala dhexeeya caruurta ay Sodohyada u yihiin intabadan waa kuwo daran. Fursadaha in labada dhinac ay xiriir wanaagsan yeeshaan waa wax uusan midkoodna damaanad qaadi Karin.

Xitta inkastoo ay jiraan kuwo xiriir wanaagsan leh, qaar kamid ah Sodohyada ma jeclo wiilkooda ama gabadha ay Sodohda u yihiin.

Haddii aad rabtid inaad ogaato in Sodohdaa aysan ku jecleyn. Waa kuwaan qaar kamid ah calaamadaha lagu garto

  1. Waxay muujisaa inaysan daneyneyn shaqadaada

Marka Sodohdaa ay ku jeceshahay intabadan waxay rabi doontaa inay aad u ogaato waxaad qabato.

Si kastaba, haddii aysan ku jecleyn waxaad ku ogaaneysaa oo aad ku garan kartaa inaysan ka walwalin waxaad ka qabato.

  1. Waxay kaa reebtaa dhacdooyinka qoyska

Markaad guursato qof taas micnaheeda waxay tahay inaad si toos ah uga mid noqotay qoyska. Waxaa intaas dheer in taasi ay ku siineyso gacan sare oo aad uga qeyb galeyso arrimaha muhiimka ah ee qoyska, sida shirarka ama xafladaha muhiimka ah u ah qoyska.

Haddii ay dhacdo in Sodohdaa ay kaa reebto shirarka qoyska kadib waxaad ogaataa inaysan ku jecleyn.

  1. Way ku xamataa

Ugu dambeyn, qaab kale oo aad ku ogaan karto in Sodohdaa aysan ku jecleyn ayaa ah markay bilaawdo inay ku xamato.

Related Articles

Back to top button