3 Waxyaabood Oo La Sameeyo Markii Aadan Jecleyn Saaxiibada Lamaanahaaga

Kadib markii uu jacayl kugu dhaco oo aad ugu dambeyna go’aansato inaad lamaane noqotaan, waxaa jiraan waxyaabo aadan ku jeclaan doonin lamaanahaaga taasoo ay qeyb ka noqon karaan saaxiibadiis ama saaxiibadeed.

Waxaa jiraan arrimo dhowr oo sababi kara inaadan jeclaan saaxiibada lamaanahaaga. Waxay noqon kartaa in danahooda ay yihiin kuwo xun.

Xitaa markaa, ha sameyn go’aan nacasnimo ah markii ay kuu caddaato inaadan la macaamili doonin saaxiibada lamaanahaaga.

Hoos ka akhri waxyaabaha ay tahay inaad sameyso.

Ha weydiin lamaanahaaga inay kala doorato adiga iyo saaxiibada

Lamaanahaagu wuxuu lahaa nolol kahor intaadan labadiina kulmin. Waa arrin foolxun inaad weydiiso isaga/iyada inay kala doorato adiga iyo saaxiibadeed.

Saaxiibo ayay ahaayeen adiga kahor wayna ahaan doonaan adiga kadibkaa. Sidaa darteed lamaanahaaga haku cadaadin inuu kala doorto ama ay kala doorato adiga iyo saxiibadeed.

Baro saaxiibada kahor intaadan xukumin lamaanahaaga

Waxaa lagaa doonayaa kahor intaadan go’aan qaadan ama lamaanahaaga aadan ku xukumin inay jarto ama uu jaro saaxiibadiis inaad ka fiirsato.

Fikrad wanaagsan waxaa ah inaad marka hore si wanaagsan aad u barato saaxiibada lamaanahaaga sababtoo ah waxaad ogaan kartaa in saaxiibada run ahaantii ay yihiin dad wanaagsan.

Waligaa deg deg iska ilaali sababtoo ah deg dega wuxuu keenaa qasaaro kaliya.

Kuma qasbanid inaad waqti la qaadatid saaxiibada lamaanahaaga

Haddii aadan jecleyn saaxiibada lamaanahaaga, ma ahan inaad waqti la qaadatid. Khasab kuguma aha inaad waqtigaaga oo dhan la qaadatid lammaanahaaga.

Taas badalkeeda waxaad u baahantahay inaad mararka qaar fasax aad qaadatid isla markaana waqti aad la qaadatid saaxiibadaa intii aad la qaadan lahayd lamaanahaaga isaga/iyada.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button