Inaad qof u jeclaato si shuruud la’aan ah waa hadiyadda ugu wanaagsan ee aad qof siin karto. Badanaa dadka wax beey ku xiraan wax kasta oo ay sameeyaan.

Jacaylku waa laba dhinac. Labada lamaane waa inay bartaan inay sare u qaadaan jacaylka shuruud la’aanta ah ee midba kan kale uu u qabo si ay wax kasta uga dhigaan kuwo u shaqeeya.

Halkaan waxaad ka baran kartaa 3 siyaabood oo lagu barto jacaylka shuruud la’aanta ah ee guurka.

  1. Faham in jacaylku yahay sidaad u dhaqanto balse uusan ahayn sidaad u fekerto

Ficillada ayaa ah kuwo micno badan u leh xiriirka. Jooji inaad noqoto nooca lamaanaha ee ballamaha uun sameeya balse waligiis aanan oofin.

Waligaa ha sameyn ballan aadan kasoo bixi Karin sababtoo ah ballan la’aantu waxay burburineysaa xiriirka.

  1. Naftaada si shuruud la’aan ah u jecloow

Haddii aad naftaada u jeceshahay si shuruud la’aan ah way kuu fududaaneysaa in sidaas oo kale aad u jeclaato lamaanahaaga.

Dadka naftooda jecel waa kuwo fahamsan faa’idada ay leedahay helitaanka jacayl dhab ah. Markaad go’aansato inaad qof jeclaatid waligaa haka filan wax soo celin ama waxaas bedelkooda.

  1. Diyaar u noqo inaad dadka kale cafiso

Cafisku waa qeyb kamid ah xiriirka. Lamaane wax cafiya waa mid la jecleysto oo kalgacayl leh. Waxaa lagaa doonayaa inaad fahamto ama aad barato marka wax la cafiyo iyo markaanan la cafin.

Waxaa intaasi dheer, ogoow in bini aadamka ay yihiin kuwo u nugul inay sameeyaan qaladaad. Sii lamaanahaaga fursad kale marka isaga/iyada ay qalad kaa gasho.