Waxyaabaha Dumarku Dhahaan Ee Kalsooni Darrada Ku Rida Ragga

Waxyaabaha ay isdhahaan ama iskula hadlaan lamaanayaasha xiriirka leh ayaa muhiim ah. Haweenka, Waxaa jiraan waxyaabaha qaar oo aad u maleyn karto inay caadi yihiin inaad kula hadasho ninkaaga balse dhaawacaya.
Si lamid ah haweenka, ragga waa nugulyihiin sidaa darteed waa muhiim inaad u maskax furnaato waxaad ku leedahay ninkaaga.
Hoos ka akhriso 3 waxyaabood oo haweenku dhahaan oo kalsooni darro ku rida ragga.
- Nin noqo
Ragga waxay caado u leeyihiin inay wax kasta qarsadaan dhib malahan dhib kasta oo hayo ama soo gaaray.
U sheegidda lamaanahaaga inuu noqdo nin, waxay galineysaa kalsooni darro kaliya iyo inuusan isku kaa furfurin.
Arrintaan ma ahan mid loo baahanyahay inay dhacdo maadaama lamaanaha xiriirka leh laga doonayo inay si xornimo leh u wadaagaan macluumaadka.
- Maseeroow ayaa tahay
Ma jiro nin jecel in loo sheego inuu maseeroow yahay gaar ahaan inay u sheegto haweeneyda uu ifka ka calmaday. Tani waxay ragga galisaa kalsooni darro.
Haddii aad ogaato in maseerka ninkaaga uu saameynayo xiriirkiina, waxaad awooddaa inaad si caqliyeysan oo waxgaradnimo leh aad ugu sheegto si aad iskaga ilaalisid inaad dhaawacdo lamaanahaaga.
- Haddii aynaan wada joogin waan awoodi lahaa…
Arrin kale oo maseer galisa ragga ayaa ah markii la geliyo xaalaad ay dareemaan in lagu eedeeyo sida ay wax ka yihiin xiriirka.
Ragga way necebyihiin marka lagu eedeeyo inuu kaa celinayo inaad ku guuleysato nolosha iyadoo taas ay ku abuurto kalsooni darro.