XIRIIRKA IYO GUURKA

3 Sababood Oo Kugu Qasbaya Inaad Guursato Nin Cuntada Karin Yaqaana

Sir maahan  in ragga cuntada Karin kara ay yihiin kuwo cajiib ah. Haddii ay taasi ahayn sabab kugu filan oo kugu kalifeysa inaad shukaansato kadibna aad guursato nin cuntada Karin yaqaana kadib waxaan ku siineynaa sababo badan oo wanaagsan oo ay tahay inaad u doorato.

  1. Lacag baa meel dhiganeysaa

Cunto laga cuno banaanka ama maqaayadda waa qaali si lamid ah cunto dalbashada. Haddii aad ka daashay cunto karinta ama aad xanuunsantahay waxaad xisaabsan kartaa lamaanahaaga inuu jikada galo isla markaana uu sameeyo cunto cajiib ah.

Waxaad meel dhiganeysaa lacag oo aad u istcimaaleyso waxyaabo kale.

  1. Waxaad arkeeysaa macaanka ay leedahay quraacda sariirta lagu cuno

Haddii ninkaaga uusan cunto Karin aqoon sided ku ogaaneysaa macaanka ay leedahay cuntada lagu cuno sariirta maalinta jimcaha ah?

Waxa kaliya ee aad ka maqli doonto waa haweenka kale ee nasiibka u yeeshay inay helaan rag cuntada Karin yaqaana.

  1. Waad nasaneysaa

Kadib maalin dheer oo daal iyo shaqo badan ah, waxaa jiraan maalmo aad rabi doonto inaad suuliha qubeyska gasho kadibna aad ku boodo  sariirta. Balse kuma raaxeysan doontid farxadaan haddii ninkaaga uusan Kari Karin cuntada.

Hel nin Karin kara cuntada kadibna maalmaha qaar ayaad raaxeysan doontaa oo uu ninkaaga cuntada kuu Karin doono kuuna adeegi doono. Maxaa ka wanaagsan taas?.

Back to top button