Haddii Aad Gabadha Calaamadahan Ku Aragto, Ogoow Inay Ku Rabto Ninyohow

Calaamadahan waxay kuu muujinayaan in gabadhu ay aad kuu daneyneyso,waxana lagaa doonayaa haddii aad ku aragto calaamadahan inaad usoo jeesato.

Way ku faraxsantahay la joogaaga

Haddii gabadha ay ku jeceshahay waxay mar kasta isku dayeysaa inay kula joogto. Waxay jeceshahay la joogaaga iyo wehelkaaga mana joojiso dhoollacadeynta sababtoo ah way ku faraxsantahay agtaada.

Waxay jeceshahay dabeecaddaada iyo shaqsiyadaada wanaagsan.

Waxaad la kulantay saaxiibadeed


Run ahaantii haddii ay ku jeceshahay isla markaana ay rabto inaad xiriirka horey u wadaan waxay ku bartaa saaxiibadeed.

Saaxiibadeed ayaa si fiican u baari doona wax kasta oo adiga kugu saabsan iyo haddii ay noqon lahayd shaqadaada iyo asalka qoyskaaga.

Waxay kula wadaagtaa siraheeda

Inaad qof aaminto waa halis hadana markii qofku isku kaa furfuro kadib waa inaad ogaataa inay ku jeceshahay.

Waxay rabtaa inay kula yeelato xiriir dhab ah oo daacadnimo ku dhisan sidaa darteed adigana waa inaad sameysaa taas bedelkeeda.

Waxay isku daydaa inay maseer ku galiso

Maseerka waa wadada ugu fudud ee lagu ogaado in qofku uu ku rabo. Haddii ay sheegto rag kale ama ay kugu hor shukaansato waxay dooneysaa inay aragto falcelintaada.

Waxay dooneysaa inaad u dagaalanto jacaylkeeda.

Lacag iyo waqti ayay gelisaa muuqaalkeeda

Waxyaabaha la isku qurxiyo sida Makeup-ka iyo dharka la tolo dhammaantood waa qaali. Haddii ay mar kasta si cajiib ah isku qurxiso, ulabisato islamarkaana ay isku carfiso gaar ahaan waqtiyada aad ballamaha leedihiin, tani waxay sheegeysaa inay gabadhu aad kuu rabto.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button