ARIMAHA BULSHADA

Haweenay si arxan darro ah u dishay ninkeedii hore kadib markii uu guursaday haweeney kale

Wararka aanu ka helayno magaalada Wajaale ee gobolka Gabiley, ayaa sheegaya in Haweeney ay xalay si arxan darro ah u dishay Sayigeedii hore.

Haweenaydan ayaa Ninkeedii hore ku dishay habeen hore fiidkii bartamaha suuqa Wajaale, kadib markii ay la dhacday Toorey dhowr jeer, isla markaan ay dhaawac gaadhsiisay haweenay la socotay Ninkeedii hore ee ay kala tageen.

Ninkan la dilay oo lagu sheegay magaciisa Maxamuud Aw Jamaac ayaa dhowaan waxa uu la aqal galay haweenaydan kale ee lala dhaawacay, isagoona ka soo guursaday magaalada Bahar-daar ee Ismaamulka amxaarada Itoobiya.

Falkan ayaa waxa lagu sheegay in uu xiriir la leeyahay arrimo maseer (Hinaaso), kaasi oo daba socday kadib markii uu Ninkaasi uu dhawaan guursaday haweeneyda xalay la socotay markii la tooreynayey.

Wararka ayaa intaas waxay ku sii darayaan in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen Haweeneydii falkaasi arxan darada ah geystay, kadib markii ay isku-dayday inay goobtaasi ka baxsato.

Haweenaydan ayaa isla markiiba waxay ciidamadu u gudbiyeen saldhiga booliska ee magaalada Wajaale, sida ay noo xaqiijiyeen dad goob joog ahaa.

Waxaana dhacdadan aad looga hadal hayey saacadihii u dambeeyay baraha bulshada iyo meelaha ay ku kulmaan dadweynuhu ee deegaanada Somaliland, iyadoona qaabab kala duwan ay dadku uga faaloonayeen falkan arxan darada ah.

Related Articles

Back to top button