XIRIIRKA IYO GUURKA

6 Sababood Oo Yaab Leh Oo Dadku Aysan Uga Tagin Guurka Xun

Guur kasta dhibkiisa ayuu leeyahay — laga soo bilaabo arrimaha yaryarkaa ee dhex mara lamaanayaasha illaa kuwa soo noq noqda ee lamaanayaasha ku rida madax xanuunka daran.

Dadka ku nool guurka bilaa farxadda ah una muuqda kuwo aanan isbedel lahayn xalka kaliya ee ay u baahanyihiin ayaa inay ka tagaan isla markaana ay raadsadaan guur farxad leh.

Balse sida waayo aragnimadu na bartay, dad badan oo ku jira xaalado noocaas ah ayaa intooda badan doorta inay iskaga sii jiraan guurka noocaas ah.

Hoos waxaad ka akhri kartaa 6 sababood oo sidaas u sameeyaan.

  1. Rajo isbedel

Dad badan ayaanan ka tagin oo la jooga raggooda iyo xaasakooda oo aanan si wanaagsan ula dhaqmin iyagoo rajo ka qaba inay isbedelaan mar uun.

Run ahaantii arrintaan waa mid wanaagsan balse su’aasha ayaa ah miyay dabeecadda ama dhaqanka xuun uu si fudud ku baaba’aa?

  1. U cabsasho caruurta

Ma rabo in caruurteyda ay koraan iyagoo leh waalidiin kala tagay ama isfuray.

  1. Maxay dadku oran doonaan?

Cabsida ku aadan waxay dadka dhihi doonaan waa inaysan marnaba kaa leexin go’aankaaga ama dookhaaga.

Haddii aad doorato inaad joogto oo aad u dagaalanto guurkaaga iyo faraxddaada waa wax wanaagsan balse waa inaadan taas u sameyn ka cabsashada waxay dadka dhihi doonaan haddii aad ka tagto ninkaaga ama xaaskaaga.

  1. Cabsi aanan la aqoon

Xageen aadaa haddii aan halkaan ka tago? Maxaan sameynaa? Halkeen wax ka bilaabaa, yaa I raba?

  1. Arrimo la xiriira qoys

Ma jiraan dad reerkayaga kamid ah oo waligood kala tagay ama isfuray. Ma rabo inaan noqdo qofkii ugu horeeyay oo sidaas sameeya.

  1. Ku tiirsanaan dhaqaale

Qaar kale ayaa isaga sii jira guur xun maadaama aysan heli Karin dhaqaale ay ku taageeraan noloshooda haddii ay ka tagaan.

Way rabaan inay ka tagaan ama dhinac ay uga baxaan guurka xun balse waxay ka fekeraan dhaqaale la’aanta taasoo keenta inay isaga jiraan guurka xun.

Related Articles

Back to top button