XIRIIRKA IYO GUURKA

Talooyin Kaa Caawinaya Inaad Noqoto Seey wanaagsan Oo Hogaan U Noqda Guur Farxad Leh

Waxaa suurtagal ah inaadan waxba ka ogeyn inay jiraan waxyaabo guud ahaan dumarka ka farxiya markii nimankooda ay muujiyeen.

Ma rabtid inaad noqoto seey xun ama nin xun, hagaag, hoos ka akhriso talooyin kaa caawinaya inaad noqoto seey wanaagsan oo xaaskaaga ay u baahantahay.

  1. Muhiimad sii guurkaaga

Kani waa qaabka ugu horeeya ee aad ku qancin karto xaaskaaga. Mudnaan siinta guurkaaga waa waajib ku saran mana loo baahano inuu qof ku xasuusiyo taas.

Taas macnaheedu waa inaad go’aannadaada gaadho adigoo ku saleynaya saamaynta ay ku yeelan karaan guurkaaga.

  1. Dad isku xiran noqda adiga iyo xaaskaaga

In lamaanayaasha ay noqdaan dad isku xiran isla markaana aad isku dhow waa arrin muhiim isla markaana xoojineysaa guurka.

Waa inaad lamaanahaaga wadaagtaan wax kasta sida, sida culeysyada nolosha, culeysyada dhaqaale iyo masuuliyadda caruurta.

La wadaag nolosha intaada ku noolaan lahayd nolol gooni ah.

  1. Noqo mid dhageysiga ku wanaagsan

Dhageysigu waa habka ugu wanaagsan ee aad kula xiriiri karto xaaskaaga. Waxaa laga yaabaa inaadan garanaynin inta ay u baahantahay inaad markasta dhageysato iyada ilaa ay isku daydo inay kaa tagto.

Sida adarteed ogoow in xaaskaaga ay u baahantahay inaad dhagaha amaahiso si ay kuula wadaagto arrimaha jira wax kasta oo reerka kusoo kordhay.

  1. Waalidnimada

Haddii aad leedahay caruur, noqo aabaha wanaagsan ee ay caruurtaada u baahanyihiin. Waxaad si caadi ah u noqoneysaa seey wanaagsan markaad noqoto aabe wanaagsan.

Muuji jacayl iyo masuuliyad xagga caruurtaada ah.

  1. Ha xukumin xaaskaaga

Way ogtahay waxa wanaagsan iyo waxa qaladka ah sidaa awgeed ma ahan inaad u sheegto waxa ay tahay in la sameeyo iyo wixii ay tahay inaan la sameyn.

Ha dhaleeceyn xaaskaaga markii ay kugu raaci weyso fikirkaaga sababtoo ah waxay yeelan kartaa fikir iyo aragti taada ka duwan.

Related Articles

Back to top button