XIRIIRKA IYO GUURKA

3 Siyaabood Oo Xaaskaaga Looga Dhigo Mid Kugu Faraxsan

Guurka raaxada leh waa kan labada lamaane uu midba kan kale ku faraxsanyahay. Jeclaanta xaaskaaga micneheeda ayaa ah inaad u baahantahay inaad ka dhigto mid kugu faraxsan.

Waxaa jiraan boqolaal qaabood oo aad sidaan ku sameyn karto balse www.aayaha.net, ayaa diiradda saari doonto sadexda qaabood ee ugu muhiimsan.

Hoos ka akhriso.

  1. Ku taageer hadafkeeda

In xaaskaaga aad ku taageerto himilooyinkeeda ayaa ka dhigaya  mid kuu aragta qaabab kala duwan. Waxay leedahay yoolal iyo hammi oo ay dooneyso inay ka guul gaarto sidaa darteed waxaa hubaal ah inay aad u jecleysaneyso markii aad ku maalgeliso ama aad ku taageerto ka guul gaaridda waxyaabaha ay hammineyso inay ka guul gaarto.

Ku taageeridda riyooyinkeeda ayaa keenaya inay si heer sare ah ugu qanacdo guurka.

  1. U fiirso waxay ka walwaleyso oo u xaqiiji inaad garab siineyso

Waxaa jiri doona waqtiyo ay walwalsantahay. Markaan aad ayay kuugu baahantahay, banaanka iskeen utag oo u xaqiiji inaad hiil iyo hoo ula taagantahay waqtiyadaas murugada una sheeg inay wax kasta hagaagi doonaan.

Ereyadaada adag isla markaana diiran ayaa ku filan inay culeyska iyo caqabadaha ka hor wareejiyaan.

  1. Xasuusi jacaylka aad u qabto maalin kasta

Si joogto ah maalin kasta u xasuusi jacaylka aad u qabto inta uu la egyahay. Ha u qaadan inay ogtahay intaad jeceshahay. Inaad ku dhahdo “waanku jeclahay” subax kasta kahor intaadan shaqada aadan ama intaadan seexan ayaa ku filan inay kalsooni darrada ka saaraan.

Rumeyso waligeed kama daali doonto inay kaa maqasho “waanku jeclahay”.

Related Articles

Back to top button