XIRIIRKA IYO GUURKA

3 Sababood Oo Kaftanku Guurka Uga Dhigo Mid Aad U Wanaagsan

Kaftanka waa wax fudud balse saameyntiisa ay weyntahay. Mid kamid ah qaababka ugu wanaagsan ee lagu ilaaliyo xoogga jacaylkiina ayaa ah inaad kaftantaan.

Lamaanayaasha inbadan kaftama ayay u badantahay inay muddo dheer wada joogaan. Hubi inaad lamaanahaaga mar kasta ka dhoollacadeysiiso.

Waa kuwaan sadex sababood oo kaftanku guurka uga dhigo mid aad u wanaagsan.

  1. Kaftanka wuxuu xiriirka ka saaraa caajiska

Xiriirkiinu ma yahay mid caajis badan? Kaftanka wuxuu shidaa shumaca xiriirka noocaas ah. Kaftanka qosolka badan wuxuu lamaanahagaa mid ka dhigayaa mid aad ku jeclaada ama kuu jeclaata.

Si aad ah ugu dhawoow lamaanahaaga oo la kaftan haddii aad dooneysid inay aad kuu jeclaato xittaa marka arrimaha ay u shaqeyn waayaan sidaad rabtay.

  1. Kaftanka iyo qosolka waxay kaa bixin karaan waqtiyada adag

Xiriirada ma ahan sariiro ubaxyo leh. Kaftanka wuxuu si sahlan kaaga gudbinayaa dhammaan culeysyada aad wajaheyso.

Waa muhiim inaad sare u qaado kaftanka mar kasta oo aad la joogto haweeneyda ama ninka aad ifka ka dooratay.

Waxyaabo badan kala kaftan lamaanahaaga si aad uga dhollaceysiiso isla markaana aad farxad u geliso wajigeeda.

  1. Kaftanka wuxuu xoojin karaa xiriirkiina

Waxaa jiraan siyaabo kala duwan oo lagu kobcin karo isku xirnaanta jacaylka. Kaftanka ayaa ka dhigaya lammaanahaaga inuu dareemo inuu kuu dhow yahay.

Hadallada qosolka badan ee aad sameyso ayaa xasuusinaya lamaanahaaga jacaylka aad wadaagtaan ama idinka dhexeeya mar kasta oo ay kaa fogtahay ama ay kaa maqantahay.

Related Articles

Back to top button